Sign in to follow this  
Deeq A.

Mucaaradka oo dalbaday in si madax bannaan loo xaqiijiyo Drones ka la qabtay

Recommended Posts

Deeq A.   
PhotoCollage_20211107_162038240.jpg?resi

Mucaaradka dowladda Soomaaliya ayaa dalbaday in si madax bannaan loo xaqiijiyo diyaarado nooca aan duuliyaha lahayn ah (Drones) oo la sheegay in lagu qabtay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Mucaaradku wuxuu ka dalbaday in hay’adaha iyo dowladaha shisheeye ee dhanka amniga ka caawiya dowladda Soomaaliya ay hubiyaan nooca Drones ka la qabtay iyo halka loo waday.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo u hadlay mucaaradka ayaa qoraal uu bartiis Facebook ku daabacay ku yiri “Maadama xalay Raysal Wasaaraha Ciraaq uu ka badbaaday isku day dil oo loo adeegsaday drone qarax loogu soo xiray, waxaan dalbanaynaa in si madaxbannaan loo xaqiijiyo waxa ay tahay drone ka la sheegay in Xamar lagu qabtay. Waa in hay’adaha iyo dawladaha naga gacansiiya tababarka ciidanka iyo arrimaha amniga ay hubiyaan nooca drone ka la qabtay, iyo halka ay ku socotay”.

Xildhibaan Sakariye Maxamuud Xaaji oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalmo ka hor sheegay in lix (6) diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka oo uu lahaa ay hay’adda NISA ku qabatay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, wuxuuna u jeedada diyaaradahaas loo keenay dalka ku sheegay mid ganacsi.

Balse hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya (NISA) ayaa weli wax war ah ka soo saarin diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee la sheegay in lagu qabtay Muqdisho.

Puntland ayaa markii ay si hoose u soo baxday wararka sheegaya in diyaarado Drones ah lagu qabtay Muqdisho, mamnuucday in deegaanadeeda la soo galiyo dhamaan noocyada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Waxaa dunida soo ifbaxaya khatarta ay keeni karaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, xili xalay Raysal Wasaaraha Ciraaq Mustafa Al-Kadhimi uu ka badbaaday isku day dil oo loo adeegsaday Drone qarax loogu soo xiray.

PUNTLAND POST

The post Mucaaradka oo dalbaday in si madax bannaan loo xaqiijiyo Drones ka la qabtay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this