Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Dibad-bax ka dhan ah TPLF oo ka dhacay Jigjiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Jigjiga (Caasimada Online) – Magaalada Jigjiga ee xarunta ismaamulka Soomaalida Itoobiya waxaa maanta ka dhacay dibad-bax ballaaran oo looga soo horjeeday jabhaddda hubeysan TPLF ee haatan dagaalka kula jirta ciidamada dowladda federaalka ee Itoobiya.

Boqolaal shacab ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka Jigjiga, si  ay taageero ugu muujiyaan ciidamada milatariga Itoobiya ee wada howl-galka ka dhanka ah TPLF.

Sidoo kale dibad-baxayaasha ayaa watay boorar ay ku muujinayaan dareenkooda ku aadan xaaladda sii cakirmeysa ee dagaalka ka socda waddanka Itoobiya.

Erayada ay isticmaanayaan dibad-baxayaasha waxaa ka mid ah “Waxaan taageersanahay howl-galka ciidanka Qaranka, Ma iloobeyno weerarka wuxushnimada ah ee TPLF ku qaaday waqooyiga dalka iyo Ereyo kale oo ay shacabka Jigjiga ku cabirayaan dareenkooda.

Sidoo kale dibad-baxayaasha ayaa gacsmaha ku sitay boorar waa weyn oo lagu soo xardhay sawirka ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.

Banaan-baxan ayaa daba socday khubadii uu shalay jeediyey madaxweynaha deegaanka Mustafe Cagjar oo walaac ka muujiyey mustaqbalka is-maamulka Soomaali Galbeed, haddii Tirgay ay qabsato Addis Ababa oo xukuumadda ra’iisul wasaare Abiy Axmed ay burburto.

Si kastaba, Itoobiya ayaa ku jirta xaalad jahwaeerer ah oo ka dhalatay dagaalka ay wado jabhadda TPLF oo haatan ku sii dhowaaneysa magaalada caasimada ah ee Addis Ababa.

1-1.jpg 2-1.jpg 3.jpg

The post Sawirro: Dibad-bax ka dhan ah TPLF oo ka dhacay Jigjiga appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this