Deeq A. Posted November 6, 2021 Hal askari oo ka tirsan Booliiska Puntland ayaa ku dhaawacmay rasaas goor dhowayd ka dhacday gudaha caasimadda Garoowe. Askar ka tirsan ciidanka Madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo ciidamo Taraafiko ah ayaa sida wararku sheegayaan is rasaasayn ku dhexmartay Xarunta Taraafikada Garoowe. Rasaasta ayaa ka dambaysay muran ka dhashay Gaari laga xereeyay ciidanka Madaxweyne ku xigeenka. PUNTLAND POST The post Iska hor-imaad kooban oo ka dhacay magaalada Garoowe appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites