Sign in to follow this  
Deeq A.

XIRIIRKA SOOMAALIYA IYO ITOOBIYA DHALANTEED AYUU KU SALAYSAN YAHAY

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG_DAF9A0-3C84D6-1EBDAF-54D692-09563F-5Lama yaqaan halkuu ku dambeeyay barnaamijkii isdhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika oo ay Madaxweyne Farmaajo iyo Abiy Ahmed shaacin jireen.

Itoobiya iyo Soomaaliya xiriirka u dhexeeya tobabnkii sano ugu dambeeyay wuxuu soo maray laba heer. Markii ciidankii Itoobiya Soomaaliya lagaga saaray heshiis 2009kii, xoogaggii iska-caabbinta ayaa xukunka la wareegay. Labada dal waxay yeesheen xiriir aan dhaafsiisnayn mid diblomaasiyadeed. Dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa heshiis laba-geesood ah awgiis dib ciidammada Itoobiya dalka ugu soo celisay si ay Al-shabaab ula dagaallamaan. Xiriirkaas wuxuu gaaray heer hay’ad ra’yi baaris (think tank) ay u qareeto Madaxweyne Xasan Sheekh oo taliskiisu xiriir dhow la lahaa TPLF xilli Soomaaliya isu diyaarinaysay doorasho dadban.

Waji hor leh ayuu xiriirka labada dal yeeshay laga billaabo 2018kii markii Abiy Ahmed uu talada Itoobiya si nabad ah kula wareegay. Isu soo dhowaanshaha Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Abiy Ahmed wuxuu ku qotomay qorshe maamulkii Donald Trump, Madaxweynihii hore ee Maraykanka, uu soo camcamay una bixiyay isdhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika. Hindisahaas wuxuu bannaanka u soo baxay markuu Abiy Ahmed booqasho ku yimid Muqdisho 2018kii.

IMG-20211106-WA0005.jpg?resize=720%2C540Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo loo dhiibay calanka TPLF mar uu Mekelle xaflad kaga qaybgalayay.

Waa hindise dhaqaale oo aan dan u ahayn Soomaaliya waayo suuqyada Itoobiya way ka xiran yihiin ganacsatada Soomaaliya halka suuqyada Soomaaliya u furan yihiin ganacsatada Itoobiya. Faraqa u dhexeeya TPLF iyo xisbiga Abiy Ahmed samaystay, Prosperity, waa in Tigreegu iska dhowri jiray hadallo soo nooleyn kara colaaddii labada dal dhex martay, halka Abiy Ahmed uu marar badan ka hadlay colaaddaas, xitaa koox Amxaaro ayaa isku dayday inay Kaaramardha ku xafladayso iyagoo wax u dhimaya dareenka qarannimoddoon ee Soomaalida.  Xagjirka Amxaaradu waxay TPLF ku eedeeyaan in ururkaasi qiray dhulka Soomaalidu deggan tahay oo Itoobiya gacanta ku hayso. Amxaaradu waxay u arkaan Dowlad Deegaanka Soomaalida maamul taageeraya mowqifkii Soomaaliya dagaalka kula gashay Itoobiya. Kaaga sii daran dhowr toddobaad ka hor taliyaha ciidanka Itoobiya Berhanu Jula, ayaa, isagoo ka hadlay weerarka ciidanka Tigreegu ku qabsaday magaalooyin badan, yiri “Markii Siyaad Barre na soo weeraray waxaannu abaabulnay 300,000 maleeshiyo ah.”  Dhowr toddobaad ka hor hadalkaas colaadda xambaarsan wuxuu Jula la kulmay taliyaha Xoogga Dalka Soomaaliya Jeneraal Odowaa, si ay “iskaga kaashadaan dhanka ciidammada”.

Muuqaal: Berhanu Jula oo Xabashida xusuusinaya dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya dhexmaray 1977kii.

Waxaa haddaba la yaab leh taageerada Soomaali badani u hayaan Abiy Ahmed oo ku sifoobay inuu yahay hoggaamiye u duubtay baabbi’inta horumarka yar oo ay qowmiyadaha Itoobiya gaareen kaddib 1991kii.  Barnaamijkii isdhexgalka dhaqaale oo Abiy iyo Farmaajo shaacin jireen meel uu ku dambeeyay lama yaqaan kaddib guushii Madaxweyne Biden.  Ereyadaasi hadda ma aha kuwo la adeegsado marka laga hadlayo siyaasadda Geeska Afrika.

IMG-20211106-WA0004.jpg?resize=601%2C102

Waxaa habboon in madaxda Soomaaliyeed heer federaal ay yareeyaan ku tiirsanaanta Itoobiya dhanka amniga.  Isbeddelada siyaasadda Itoobiya waxaa la socda siyaasado saameyn ku yeesha Soomaaliya waayo Soomaalidu weli ma yeelan dowlad ku filan nabadgelyada dalka. Awood-darridani waa mid ay wax ka dheefaan dalal badan sida kuwa Soomaaliya u soo dirsaday ciidammada ka tirsan AMISOM. 

Xaaladda Soomaaliya ku sugan tahay ayaa keenaysa in la isweyddiiyo nooca siyaasadda arrimmaha dibedda ay Soomaaliya leedahay hadda. Itoobiya waa dal ku dhisan dhul qabsi (conquest), waana sababta ay weli dagaallo sokeeye uga socdaan. Waa dal aan ku farxin in Soomaalidu qaran yeelato, sida uu Xaylse Salaase afartamaadkii uga ololeeyay madaxbannaanida Soomaalida isagoo Fashiistidii Talyaaniga laga xoreeyay. Waa in madaxdeenna heer federaal ku dadaalaan dejinta siyaasad arrimmo dibadeed aan u danaynaynin ama ku tiirsanayn dalal shisheeyee. Dooddeennu hadda waxay maraysaa: yaa roon TPLF ama Abiy Ahmed?! Weger!

Liibaan Axmad

libahm@gmail.com

The post XIRIIRKA SOOMAALIYA IYO ITOOBIYA DHALANTEED AYUU KU SALAYSAN YAHAY appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this