Sign in to follow this  
Deeq A.

Wejigii U Dambeeyey Ee Dhismaha Dekedda Maydh Ee Gobolka Sanaag Oo Maanta Si Rasmi Ah Loo Bilaabay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wejigii u dambeeyey ee dhismaha Dekedda Maydh, ayaa maanta si rasmi ah looga bilaabay Magalada taariikhiga ah  ee Maydh ee Gobolka Sanaag.

Dhismaha dekedda oo muddooyinkii y dambeeyey gacanta lagu hayey, ayaa qaybihii y dambeeyey ee dhismaha Dekedda la bilaabay.

Eng Mursal Ardaale oo ka mid ah Injineerada gacanta ku haya dhismaha Dekedda Maydh, ayaa bilowgan wejigan ku tilmaamay tallaabo loo qaaday dhinac dhamaystirka Dekedda.

Dhismaha Dekedda oo laga maal gelinayo Sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF, ayaa haddii la dhamaystiro dhismaheedu waxa uu noqon doonaa mid ay ka faa’iidaystaan dadka ku nool deegaannada Gobollada Bariga Somaliland.

Caqabada ugu weyn ee loo baahan yahay in iyada xal loo helo ayaa noqon doona dhismaha jid isku xidha Maydh iyo gobollada kale, maadaama oo Maydh iyo Deegannada ku xeerani yihiin juquraafi ahaan dhul buuralayd ah, oo dhismaha jidka loo samaynayaan u baahan yahay dhaqaale badan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this