Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar Mindi loo adeegsaday oo lagu qaaday tareen ku sii jeeday gobolka Bavaria ee dalka Jarmalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Afhayeen u hadlay Booliska Federaalka Jarmalka ayaa sheegay in maanta oo Sabti ah weerar mindi loo adeegsaday lagu qaaday  dad saarnaa Tareen isaga kala gooshayay  magaalooyinka Regensburg iyo Nuremberg ee gobolka Bavaria ee koonfurta Jarmalka.

Sida uu sheegay Afhayeenka Booliska xilliga la weeraray Tareenka ayaa waxuu  taagnaa xarunta Tareenada ee Zuipersdorf,  weerarka lagu qaaday Tareenka ayaa waxaa ku dhaawacmay dhowr qof oo Rakaab ah.

Wakaaladda wararka Reuters oo soo xiganeysa  jariidada Jarmalka ee Bild ayaa sheegtay in Sedax qof ay ku dhaawacmeen weerarka.

Lama oga ilaa hadda waxa sababay weerarkan  iyo cida fulisay, waxana durbadiiba gobta soo garay Ciidamada Booliska Jarmalka, oo halkaas baaritaano ka waddo.

PUNTLAND POST

The post Weerar Mindi loo adeegsaday oo lagu qaaday tareen ku sii jeeday gobolka Bavaria ee dalka Jarmalka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this