Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Madaxweyne Deni oo Todobaadkan magacaabaya Wasiiro iyo mas’uuliyiin kala duwan

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sida la xaqiijiyay Todobaadkan magacaabi doona mas’uuliyiin kala duwan oo ay ku jiraan Wasiiro, Taliyaal, Agaasimayaal iyo Xubno ka tirsan Garsoorka.

Warbaahinta Puntland Post ayaa ogaatay in Madaxweyne Deni Wasiiro cusub u magacaabi doono Wasaaradaha ay kamid yihiin; Kalluumeysiga, Warfaafinta, Dekedaha iyo Wasaaradda Degaanka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale magacaabi doona Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda sare, Guddoomiyaha Gobolka Bari, qaar kamid ah Agaasimayaasha Wasaaradaha, Taliyaha Dekedda Boosaaso iyo Taliyaal Qaybeedyo.

Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Bari G/sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa loo soo beddeli doonaa Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal, waxaana Taliska Qaybta Gobolka Bari la geyn doona nin lagu magacaabo G/sare Bashiir Bicir.

PUNTLAND POST

The post Xog: Madaxweyne Deni oo Todobaadkan magacaabaya Wasiiro iyo mas’uuliyiin kala duwan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this