Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Siciid Deni oo safar siyaasadeed ugu baxaya dalka dibaddiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa in uu bilowga todobaadkan safar gaar ah ugu baxo dalka dibaddiisa.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa sida la xaqiijiyay safarkiisa ugu baxaya magaalada Nairobi ee xarunta waddanka Kenya.

Nairobi waxa haatan ku sugan Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Abgaal oo ay weheliyaan siyaasiyiin miisaanleh.

Wararku waxay sheegayaan in Puntland iyo Jubaland ay halkaas ka wadaan olole ku saabsan Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya gaar ahaanna soo saarista xildhibaanada Aqalka hoose ee Baarlamanka.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Siciid Deni oo safar siyaasadeed ugu baxaya dalka dibaddiisa appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this