Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

And another one bites the dust

Recommended Posts

Somalia expels AMISOM deputy Simon Mulongo, accuses him of ‘hindering Somali security strategy’

Somalia has declared deputy head of AMISOM Simon Mulongo persona non-grata and ordered him to leave the country within seven days.

In a letter addressed to the African Union Commission, Somalia said Mulongo, a Ugandan national, was ‘engaging in activities incompatible with AMISOM mandate and Somali security strategy.’

It ordered him to leave the country within seven days. The nature of activities Mulongo is accused of remained unclear, but the letter came barely a day after Foreign Affairs Minister Mohamed Abdirizak hinted at ‘individuals hindering the Somali nation.’

“Somalia will realize the implementation of the STP (Somali Transition Plan), everyone will be held accountable for their action, no one will be allowed to hinder the Somali nation, we have simply come too far,” the minister said in a tweet.

Shortly after the release of the letter addressed to the AU, Abdirizak remarked that “the FGS will hold accountable AMISOM personnel, particularly those at the leadership level, who are expected to be beyond reproach in their integrity as they discharge their duty under the UN/AU mandate.”

Somalia's federal government recently rejected a proposal to fold the African Union Mission in Somalia into a joint AU-UN force that would take over at the end of AMISOM's mandate this year. The African Peace and Security Council approved the proposal.

Somalia' accused the Council of disregarding an assessment from a joint technical team that drew out a concept of operations to take over the security responsibility following an AMISOM drawdown.

Mulongo will join United Nations Special Envoy Nicholas Haysom and political analyst Matthew Bryden in the growing list of foreigners expelled by Somalia's federal government in recent years.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Toddobada xadgudub ee lagu eedeeyey Simon Mulongo ee keenay in dalka laga eryo

 Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta dalka ka ceyrisay ku-xigeenka eregyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Simon Mulongo, oo kasoo jeeda dalka Uganda.

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa qoraal oo ay u dirtay Guddiga Midowga Afrika ku wargelisay in Simon Mulongo laga dhigay ‘persona non grata’ (qof aan dalka laga rabin), waxaana lagu amray inuu uga baxo Soomaaliya muddo 7 maalmood gudahood ah.

Qoraalka ayaa intaas ku daray in Mulongo “uu ku lug yeeshay dhaq-dhaqaaqyo aan waafaqsaneyn waajibaadka AMISOM iyo istiraatiijiyadda amniga Soomaaliya.”

Haddaba Caasimada Online, oo la xiriirtay ilo-wareedyo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda ayaa heshay xog ku saabsan sababaha dalka looga eryey Simon Mulongo.

Simon Mulongo ayaa lagu eedeeyey xadgudubyo bulsho iyo kuwa siyaasadeed oo dalka uu ka galay, kuwaasi oo soo jiitamayey muddo, sida aan xogta ku helnay, waxaana qodobada ay nala wadageen ilo-wareedyada wasaaradda amniga ay kala yihiin:- 

1- Simon waxa uu ahaa shaqsi ku caan baxay inuu ka shaqeeyo waxyaabo dhaawacaya qarannimada Soomaaliya, kana baxsan xuduudda Maandhaytka Hawlgalka Midowga Afrika. Isaga oo xogo khaldan oo ka fog waaqaca mar walba dalkeenna ka gudbin jirey. 

2- Waxaa uu baqemaali jirey (Black Mailing) siyaasiyiinta iyo qaar ka mid ah madax Soomaaliyeed, isaga ugu hanjebi jirey ceebayn, qaar ugu cago juglayn jirey inuu dilayo, kuwo kale na uu isku diri jirey isaga oo farriimo khaldan u kala qaadaya.

3- Waxa uu ahaa shaqsi aan Soomaaliya u aqoonsanayn in ay tahay Qaran Madax bannaan oo leh Dowlad la aqoonsan yahay. Waxa uuna si bareer ugu kici jirey falal ka marag kacaya arrimahaas, isaga oo shirarka iyo fagaareyaasha ba ka sheegi jirey in  Soomaaliya  aysan ka jirin  dowlad, balse ay tahay qabaa’illo mid walba mudan yahay in gaarkiisa loola tacaamulo. 

4-  Waxa uu isaga oo adeegsanaya shaarka Midowga Afrika jaajuusi jirey ciidammada iyo hay’adaha kale ee dowladda, isaga oo xogaha iyo sirta dowladda la wadaagi jirey shaqsiyaad, hay’ado iyo dowlado shisheeye. Waxa uuna ka samayn jirey macaash dhaqaale iyo ujeeddooyin u gaar ahaa isaga. 

5- Waxa uu Hay’ad shisheeye oo ay ka mid tahay tan la la dhoho Sahan iyo shaqsiga la yiraahdo Matt Brydan kala shaqeeyey in dalkeenna ay ka gudbiyaan xogo iyo siro khatar geliyey amniga qaranka, madax bannaanida dalka iyo dowladnimada Soomaaliyeed. 

6- Waxa uu baad ka qaadi jirey ganacsatada iyo shirkadaha Soomaaliyeed isagoo ugu hanjabi jirey inuu ku eedaynayo inay argagixisada gacansaar la leeyihiin. Waxaa kale oo uu si gaar ah u baadi jirey shirkadaha ka shaqeeya Garoonka Diyaaraha iyo xayndaabka Xalane, waxaana arrintaas u fududayn jirey saraakiil kale oo ajnabi ah oo uu ka mid yahay ninka la dhoho Micah, una dhashay dalka Zimbabwe.

7- Waxa uu xadgudubyo jinsi iyo falal faroxumayn kula kacay hablo Soomaaliyeed oo ka shaqaynayey xafiiskiisa iyo xafiisyada kale ee Hawlgalka Midowga Afrika. Taasoo caddaymahooda ay dowladdu gacanta ku hayso. 

Dhammaan arrimahaas ayaa keenay in dalka laga eryo Simon Mulongo, sida ay ogaatay Caasimada Online.  

Mulongo ayaa noqonaya diblomaasigii labaad ee dalkeenna laga baaciyo muddo 2 sano gudohood ah, iyada oo la dul dhigay amarka ah “Dalkan lagaama rabo”, (Persona Non grata), loona qabtay muddo 7 maalmood ah inuu dalka isaga boxo.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.