Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Wasiirada Puntland oo ansixiyay Miisaaniyad sanadeedka 2022

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Puntland oo todobaadkan lagu ansixiyay Miisaaniyadda dowladda ee sanadkan oo dhan $354,039,039.

Kulanka oo uu ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka  Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa sidoo kale lagu ansixiyay Siyaasadda Kaabista Ciidamada dowladda Puntland iyo Xeerka Fayadhowrka Caanaha Xoolaha Puntland.

Shirka Golaha Wasiirada waxaa kale oo looga hadlay Doorashaddii goleyaasha deegaanka ee ka qabsoomtay degmooyinka Ufeyn , Eyl iyo Qardho, doorashadaasi oo ahayd guul taariikhi ah oo Puntland ku hoggaamisay Soomaaliya inteeda kale, waxaana ka go’an Dowladda Puntland in ay dhameystirto hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda oo dhakhso loo guda galo qabashada Doorashadda goleyaasha deegaanka ee degmooyinka kale ee Puntland.

PUNTLAND POST

The post Golaha Wasiirada Puntland oo ansixiyay Miisaaniyad sanadeedka 2022 appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this