Sign in to follow this  
Deeq A.

Su’aalo Culus Oo Ka Taagan Cidda Uu Madaxweyne Biixi Ku Dhisayo Kursiga Guddoomiyaha KULMIYE, Kaahin Iyo Gaafaadhi Oo Hirdankoodu Ifka Usoo Baxay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Inkasta aan la shaacin wakhtiga rasmiga ah ee uu Madaxweyne Biixi wareejinayo  Booska Gudoomiyenimadda Kulmiye, haddana waxaanu muran ka taagnayn inay Madaxweyne Biixi ka go’an tahay islamarkaana uu go’aansaday inuu kursigan ku wareejiyo Beesha Bariga Burco.

Hadaba tan iyo markii ay soo shaacbaxday inuu Madaxweyne Biixi wareejinayo Kursiga Gudoomiyaha Xisbi Xaakimka Kulmiye waxa soo shaac baxday hadal hayn badan oo ku saabsan cidda uu ku wareejinayo kursigaasi ee ku dhisay dabadii iyo wakhtiga uu wareejinayo iyadoo sidoo kalena wax la iska waydiiyay inuu Madaxweyne Biixi mar kale sharaxan yahay iyo inuu wakhti ku darsanayo sidii caadada ahayd ee ay Siyaasiyiintii ka horeeyay sunnaayeen.

Sikastaba ha noqotee, Illaa hadda waxa shaaciyay inay Booska Gudoomiyenimada Kulmiye u taramayaan Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo ay Saaxiib dhaw yihiin Madaxweyne Biixi iyo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Xasan Maxamed Gaafaadhi, oo labadooduba kasoo jeedaan Deegaanka Bariga Magaalada Burco kuwaasi oo mid waliba goonidiisa Warbaahinta ka sheegay inuu Booskaasi u tartamayo.

Hadaba, Inkasta oo bilawgii arintan aad loo hadal hayay inuu Madaxweyne Biixi ku dhisayo Booska Gudoomiyenimada KULMIYE  Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo saaxiib dhaw ahaayeen tan iyo halkii SNM, hadana waxay arintaasi soo laab laabatay Todobaadkan kadib markii uu Xasan Gaafaadhi mar kale iclaamiyay inaanay jirin cid Booskaasi kaga habooni isagoo farta ku fiiqaya dhinaca Saami Qaybsiga Siyaasadeed ee Deegaankiisa oo dad badani u arkaan inuu Wasiir Gaafaadhi ka soo shidaal qaadanayo hadal haynta iyo garnaqsiga ka dhex taagan Bulshada uu kasoo jeedo oo la aamisan yahay inay jiraan Heshiisyo dhex maray oo isaga u xaglinayaa.

Warar kale oo Wargeyska Foore helay ayaa sheegaya inuu Madaxweyne Biixi badelay Mawqifkiisii hore ee uu laabta ku haystay ee ahaa inuu Saaxiibkii Maxamed Kaahin ku wareejiyo, kuna dhiso Gudoomiyenimada Kulmiye isaga dabadii, islamarkaana cidda ku fadhiisanaysa Kursigaasi uu u daba fadhiisnayo Beesha Bariga Burco oo uu hore ugu balan qaaday inuu Kursigaasi ku celinayo. Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya inuu Madaxweyne Biixi balanqaaday in haddii ay Beeshaasi isku soo raacdo inuu ku wareejiyo Kursiga Wasiir Xasan Gaafaadhi uu ku wareejinayo wakhtigeeda markay ay gaadho.

Sikastaba ha noqotee, arintan ayaa ku ah Madaxweyne Biixi laba daran mid dooro, waxaana la saadaalinayaa in Xisbiga Kulmiye uu galo marxalad Culus oo ka waji duwan kuwii hore taasi oo haddii uu Kulmiye ka bad baado ka dhigaysa Xisbi  marar kale hogaaminta dalka ku soo laabta.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this