Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii Ugu Dambeeyey Dagaalka Itoobiya, TPLF Oo Kusoo Socota Addis Ababa iyo Abiy Axmed Oo Baxsad Ku Dhow Markii Cadaadis Lagu Saaray

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis Ababa)- Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee Caasimadda waddanka Itoobiya waxa ay sheegayaan in xaaladda dagaalka culus eek a socda waddanka Itoobiya uu galay waji cusub oo jahawareer ku riday xukuumadda Abiy Axmed ee Federaalka ah kadib markii shalay xooggagga TDF ee Tigraygu ku dhawaaqeen in ay ku soo wajahan yihiin caasimadda Addis Ababa.

Ilo-wareedyo diblomaasiyeed oo warbaahinta madaxa bannaani shalay heshay ayaa xaqiijiyey in qaar ka mid ah diblomaasiyiinta shisheeye iyo madaxda Ururrada caalamiga ah ee dalkaasi fadhiyay ay bilaabeen in ay qoysaskooda iyo xataa iyaga qaarkood bilaabaan in ay dalka isaga baxaan waxaana arrintaasi laga dheehan karayay sida dadka ajaaniibta ah ee madaxda ahi u goosanayeen tigidhada diyaaradaha oo ay dibadda uga baxayeen dalka.

Wararka ku aaddan dagaalka lagu hoobtay ee dalka Itoobiya ka dhacaya ayaa sheegaya in Ra’iisal Wasaaraha dalkaasi Abiy Axmed uu dadka u dhaw dhaw ku war galiyey in uu qaadanayo go’aan kasta oo ay lagama maarmaan ula muuqato haddiiba dunidu ku cadaadiso in uu xilka ka dego si loo gaadho xal kama dambays ah oo lagu badbaadiyo dalka Itoobiya. Waxa ay arrintani ku soo beegmaysaa markii xooggagga Tigreega ee TDF ay shalay soo gaadhay deegaan aad ugu dhaw magaalada Addis Ababa iyada oo horumarkan ay badhi taartay dagaal culus oo jabhadda Oromada ee OLF/OLA ay guluf dardar culus ku socda ay ku soo qaadeen saldhigyo ay lahaayeen ciidamada Federaalku waxaanu dagaalka Oromadu soo qaadday ak socdaa goobo badan oo Koonfurta- Galbeedka iyo badhtamaha Itoobiya ah waxaanay wararku sheegayaan in heshiis dhex maray iyaga iyo TPLF.

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa sheegay in dagaalyahanno shisheeye ay ka qeyb qaateen weerarrada ay xooggaga Tigray maalmihii la soo dhaafay ku qabsadeen magaalooyin ka tirsan gobolka Amxaarada.

Khudbad uu u jeediyay madax sare oo ka tirsan xukuumaddiisa isla markaana laga sii daayay telefishinka, ayaa Abiy oo u muuqday inuu ka hadlayay qabsashada xooggaga Tigray ee magaalooyinka muhiimka ah ee Dessie iyo Kombolcha waxa uu yareystay guulaha ay gaareen xoogaggaas.

“Waxaa jiray dad caddaan iyo madow isugu jiray oo ka garab dagaallamay xooggaga TPLF, kuna dhintay dagaalka,” ayuu yiri Abiy oo aan faahfaahin dheeraad ah iyo caddeyn toona soo bandhigin.

Shalay ayay ahayd markii Golaha Wasiirada Ethiopia ayaa ku dhowaaqay in xaalad deg deg ah la geliyey dalka, xilli aad looga cabsi qabo in kooxda TPLF ee Tigray-ga ay qabsato magaalada caasimadda ah ee Addis-Ababa

“Xaaladda deg degga ah ayaa waxaa loogu talo-galay in shacabka laga bad-baadiyo xasuuqa ay argagixisada TPLF ka gaysanayaan qeybo dhowr ah oo ka mid ah dalka,” waxaa sidaas tiri warbaahinta dowladda ee FANA.

Xaaladda deg degga ah ayaa ogolaaneysa arrimo ay ka mid yihiin in la sameeyo jidgooyooyin, la carqaladeeyo hanaanka gaadiidka, lasoo rogo bandow, ayna militariga la wareegi karaan meelaha qaar.

Qof kasta oo lagu tuhmo inuu xiriir la leeyahay “kooxaha argagixisada oo TPLF ay ka mid tahay” ayaa la xabisi karaa ayada oo aan maxkamad lasoo taagin, sida lagu sheegay qoraalka dowladda.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this