Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaramada Midoobay oo walaac ka muujisay xaaladda Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo ka hadlay walaaca ku saabsan xaaladda degdegga ah ee la geliyay waddanka Itoobiya.

 “Waxa uu aad uga walaacsan yahay rabshadaha sii kordhaya ee Itoobiya iyo ku dhawaaqista xaalad degdeg ah oo dhowaan lagu soo rogay dalkaas” ayuu yiri Guterres.

Xaalada degdega ah ayaa timid kadib shir aan caadi ahayn oo ay yeesheen golaha wasiirada xili ay sii kordhayaan iska horimaadyada ay kula jiraan jabhada Tigray People’s Liberation Front (TPLF) iyo Jabhada Oromada ee Shene (OLA-shene).

Malaayiin qof ayaa ku barakacay colaadda, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, iyadoo ka digaysa masiibo bini’aadantinimo.

PUNTLAND POST

The post Qaramada Midoobay oo walaac ka muujisay xaaladda Itoobiya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this