Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaalada Itoobiya Oo Sababi Doono 25 Milyan Inay U Soo Bara Kacaan Soomaaliya!

Recommended Posts

Deeq A.   

Dagaalkii Galbeed Laga Sheego Guntahaaga Ka Day!

(Dagaalada Itoobiya Oo Sababi Doono 25 Milyan Inay U Soo Bara Kacaan Soomaaliya)

Dagaalkii Dowladda Itoobiya La Gashay Qolada Mayalka Adag Ee Tirgreeega Oo Waddanka Itoobiya 30-Kii Sano Ugu Danbeeyey Maamulaysey Oo Iminka Gu, Jirsaday

Dagaalkaa Oo U muuqdey Markii Hore In Laga Adkaaday Dadkaa Wayaanaha Ayaa Soo Rogaal Celiyey Ka Dib Markii Jabhadda Xoreynta Tigreega Ay Heshiis Hoosaad La Gashay Jabhadda Oroomada Ee Ka Soo Horjeeda Raysal Wasaaraha Dalka Itooboya Dr. Abiy Axmed, Sidoo Kale Jabhadda Xoreynta Tigreega Waxay Ku Dadaalaysaa Inay Heshiis La Gasho Jabhadda Xoreynta Soomaali Galbeed ONLF Inkastoo Aan Suuragal Ahayn, Waayo Libaax Nin Ganay Iyo U Galladayba Kala Ogsoon! Taasoo ay U muuqato Tigreega Inay Doonayso Inay La Wareeegto Xukunka Dalka Mar Kale!

Jabhadda Xoraynt Tigrey Iyo Jabhadda Oroomada Ah Oo Wada Qabsaday Magaalada Dessie Ee Ka Tirsan Gobolka Wollo Konfurteeda, Waxaana Khal Khal Amni Darro Galay Magaallo Madaxda Dalka Itoobiya Ee Addis-Ababa.

Haddaba Haddii Tigreegu U Suurta Gasho Qabsashada Addis-Ababa Maxaa Dhici Kara?

Waa Bilowgii Bur Burka Dowladda Itoobiya Waxaana Dhacaya Dagaal Sokeeye Faraha Loogu Gubto Qowmiyad Walibana Waxay Ku Duulaysaa Cidda Ay Is Leedahay Wey Kaa Tamar Yar Tahay!

Waxaana Hubaal Ah In Dad Badani U Soo Bara Kacaan Dhinaca Soomaaliya Siiba Somali Land Iyo Punt Land Iyo Koonfur Galbeed Kuwaasoo Lagu Qiyaasay Ugu Yaraan 25,000,000 (Shan Iyo Labaatan Milyan Oo Qofood) Boqolkiiba 85% Waxay Noqon Karaan Dadka Oroomada Ah iyo 15% Oo Noqon Kara Qowmiayadaha Kala Duduwan Ee Itoobiya Iyo Soomaali Galbeedba Taasoo Aanan Soomaaliya Qaadi Karin Culaysyana Soo Wajahaya Iyo Khal Amni Darro Wata.

Kolkaa Waxaa Habboon In Hurdada Laga Tooso Isla Markaana La Bilaabo Khidadii Lagu Maarayn Lahaa Haddii Ay Ku Soo Wajhdo Xaalad Deg Deg Ah!

Waxaana La Og Yahay In Soomaaliya Iyo Tigreega Aan Wannaag Dhex Oolin Iyo Tigreegii 30kii Sano Ay Talada Hayeen Oroomada Ugu Sheekeeyey Dhulkaa Soomaalida Idinkaa Iska Leh Waxaadna Tihiin Dad Dhashay Oo Wallaalo Ah, Kolkaa Waa Inaad Is Qaybisaan Nusna Halkan Joogo Inta Kalena Soomaaliya Degto

Waxaan Ku Soo Gunnanadayaa Inta Goori Goori Tahay Arrintani Cid Waliba Inay Gorfayso Ee La Helo Talo Bixin Ku Saabsan Daadkan Galbeed Innaga Imaanaya Si Aanan Shallayto U Dhicin Waa In La Helaa Khidad Diyaarsan Ee Loogu Hortagi Karo.

Ali Sheikh Adan

adam783@rocketmail.com

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this