Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka Oo Digniin Culus U Diray Muwaadiniintiisa Ku Sugan Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis ababa)-Safaaradda Mareykanka ee Dalka Itoobiya ayaa bayaan ay soo saartay waxa ay digniin u jeedisay muwaadiniinteeda Dalkaasi ku nool oo ah inay yareeyaan isu socodka iyo dhaq dhaqaaqa magaalooyinka dalka Itoobiya.

War-saxaafadeedka ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa lagu xusay in xaaladda amaan ee dalka Itoobiya ay sii xumaaneyso, maadaamo uu dalkaasi lugaha la galay dagaalo, loona baahanyahay muwaadiniinta Mareykanka inay muujiyaan taxadar badan oo aysan gelin safar ka baxsan magaalada Addis Ababa.

Ugu dambeyn War-saxaafadeedka ayaa loogu baaqay muwaadiniinta Mareykanka ee jooga dalka Itoobiya inay si dhab ah u qaataan bayaanka ka soo baxay safaaradda, ayna dib ugu laabtaan Dalkooda Mareykanka

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this