Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka oo digniin u diray muwaadiniintiisa ku sugan Ethiopia

Recommended Posts

Deeq A.   

Safaaradda Mareykanka ee waddanka Ethiopia, ayaa bayaan ay soo saartay waxay digniin u jeedisay muwaadiniinta Maraykanka ah ee ku nool dalka Ethiopia.

War-saxaafadeedka ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee magaalada Addis Ababa ayaa lagu xusay in xaaladda amaan ee dalka Ethiopia ay sii xumaaneyso, maadaamo uu dalkaasi lugaha la galay dagaalo, loona baahanyahay muwaadiniinta Mareykanka inay muujiyaan taxadar badan oo aysan gelin safar ka baxsan magaalada Addis Ababa.

War-saxaafadeedka ayaa loogu baaqay muwaadiniinta Mareykanka ee jooga dalka Ethiopia in ay si dhab ah u qaataan bayaanka ka soo baxay safaaradda.

PUNTLAND POST

The post Maraykanka oo digniin u diray muwaadiniintiisa ku sugan Ethiopia appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this