Deeq A. Posted November 3, 2021 Dabley hubaysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday saldhigyo ciidan oo ku yaalla magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay. Dagaal u dhexeeya Al-shabaab iyo ciidamada Koonfur Galbeed ayaa ka dhacay gudaha magaalada kadib weerarka kooxdu halkaas ku qaadday. Wararku waxay sheegayaan in khasaare kala gaaray labada dhinac balse weli xog sugan lagama hayo khasaaraha rasmiga ah ee dagaalkaas. Saraakiisha Ciidamada Koonfur Galbeed ayaa laga soo xigtay in ay iska difaaceen weerarka inkastoo aysan ka hadlin khasaaraha labada dhinac. PUNTLAND POST The post Dagaal xalay ka dhacay magaalada Baydhabo appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites