Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Booliiska Gobolka Mudug oo hawlgal ku qabtay karaatiin khamri ah iyo raggii watay

Recommended Posts

Deeq A.   
1-4.jpg?resize=1000%2C473&ssl=1

Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Mudug ayaa sheegay in hawlgal qorshaysan oo ay xalay ka fuliyeen magaalada Gaalkacyo ay ku qabteen khamri tira badan iyo kooxdii ka ganacsanayay.

Saraakiil ka tirsan Booliiska ayaa warbaahinta Puntland Post u sheegay in hawlgalka oo laga sameeyay Laanta 5-aad ee Xaafadda Yameyska Gaalkacyo ay ku qabteen 50 kartoon oo ay ku jiraan dhalooyin khamri ah iyo sidoo kale raggii watay Khamrigaas.

Saraakiisha ayaa tilmaamay in dhammaan xabsiga la dhigay kooxdii watay Khamriga oo hawlgalka lagu qabtay islamarkaana baaritaan lagu hayo si sharciga loo horgeeyo..

Sidoo kale waxay sheegeen in hawgalku sii socon doono inta Gobolka Mudug laga cirib-tirayo Khamriga iyo maandooriyaha.

PUNTLAND POST

The post Puntland: Booliiska Gobolka Mudug oo hawlgal ku qabtay karaatiin khamri ah iyo raggii watay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this