Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo degaannadeeda ka mamnuucday diyaaradaha Drones-ka

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumadda Puntland ayaa mamnuucday in gudaha Puntland la soo geliyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo wax duuba (Drones).

Qoraal ka soo baxay wasaaradda Amniga Puntland ayaa lagu mamnuucay diyaaradaha dhulka laga hayo ee loo yaqaan Drones.

Wasaaradda ayaa ku wargelisay hay’adaha dowladda ee ay khusayso in aan gudaha Puntland la soo gelin karin diyaaradahas noocaas ah.

Sidoo kale Laamaha Amniga Puntland ayaa lagu amray in ay feejignaan dheeriya ka muujiyaan sugidda Ammaan xilligan xasaasiga ah.

2-4.jpg?resize=720%2C932&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Puntland oo degaannadeeda ka mamnuucday diyaaradaha Drones-ka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this