Sign in to follow this  
Deeq A.

Damaca Siyaasaddeed ee Maxamed Kaahin Iyo Xasan Gaafaadhi, Dil-dilaac ma ku keeni karaa Kulmiye? Madaxweyne Biixi se Kee Ayuu Dhisi Doonaa?

Recommended Posts

Deeq A.   

Xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye, ayaa mar kale wajahaya tartan adag oo u dhexeeya inta illaa imika la hubo Laba Wasiir oo ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi oo kala ah Wasiirka Arrimaha Guddaha Maxamed Kaahin Axmed iyo Wasiirka Caafimaadka Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi).

Labadan masuul ayaa siyaabo kala duwan mid walba hankiisa Guddoomiyaha Kulmiye ee beddeli doona Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyaha imika ee Kulmiye u shaaciyey.

Damaca labadan masuul ee Guddoomiyaha Kulmiye doonaya oo isku deegaan ka soo jeeda, ayaa labaduba u muuqdaan kuwo hankooda murrashaxnimo la socod siiyey Guddoomiyaha Kulmiye, kaas oo isaguna labadaba madaxa u ruxay.

Wasiir Kaahin oo ah Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Kulmiye, ayaa dhawaan qaar ka mid ah Waxgaradka deegaankiisa kula hadlay huteel ku yaala Hargeysa, ayaa u soo jeediyey in ay hankiisa ku dhisaan, maadaama oo uu yahay ninka ugu mudan wakhtigan deegaankiisa ee la dhisi karo, waa sida uu hadalka u dhigaye, isaga oo xusay in uu hore ugu soo tanaasulay siyaasiyiin deegaankiisa ah oo uu muddo u daba fadhiyey sidii ay hankooda u gaadhi lahaayeen.

Wasiir Gaafaadhi, ayaa isaguna warbaahinta shalay la hadlay, ayaa xusay in uu doonayo inuu noqdo Guddoomiyaha Kulmiye, isaguna waxa uu fagaaraha la yimid dood ah inuu yahay nin mudan in la dhiso, maadama oo uu dhawr jeer uu soo tanaasulay oo markii u dambaysay uu u tanaasulay Maxamed Kaahin oo doonayey Guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee Kulmiye, waxaanu carrabka ku adkeeyey in aan mardambe loola iman tanaasul iyo waxaasi.

Labadan masuul, ayaa u muuqda in loollankoodu uu noqon doono mid adag oo keeni kara in Madaxda Kulmiye iyo Wasiirrada Xukuumaddu la kala saftaan, iyada oo imika la dareensan yahay in Wasiirro xukuumadda ka tirsan oo labadan masuul ay isku deegaan yihiin in qaarkood la safan yihiin Xasan Gaafaadhi.

Arrintan, ayaa la saadaalinayaa in ay keeni karo dil-dilaac iyo khilaaf Xisbiga hadheeya, maadaama oo labada nin mid walba uu isu arko inuu yahay in Xisbiga dhisi kara codna u keeni kara, isla markaana waxay wadaan dhaqdhaqaaqyo ay isku muujinayaan.

Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa isaguna u muuqda mid aan ku deg degayn inuu labada masuul midkood taageero, illaa xaaladdu meel adag gaadhayso, isla markaana shirweyneyaasha Xisbiyada mucaaradka ahi dhinac u dhacayaan, Kulmiye laftiisuna uu helo wakhti uu shirkiisa qabsan karo.

Tallaabada uu Madaxweyne Muuse Biixi ku wajaho loollanka labadan Wasiir, ayaa noqon doono laba daran mid dooro, madaama labada masuulba yihiin kuwo siyaabo kala duwan saameyn ugu dhex leh bulshada iyo deegaannadooda.

Dadka siyaasadda rog roga, ayaa qaarkood aamisan yihiin in Madaxweyne Muuse Biixi, oo Xasan Gaafaadhi ula tegay hankiisa Murrashaxnimo uu ogolaaday, taasina ay muujinayso in Madaxweynuhu taageersan yahay, isaga oo eegaya waxyaabo dhawr ah oo ay ka mid tahay in haddii uu damaciisa ka hor yimaado in uu ka boodi karo, oo ay sii kordhin karto duruufta siyaasaddeed iyo cabashada deegaannada uu ka soo jeedo, in uu ku xisaabtamayo deegaannada uu ka soo jeedo Gaafaadhi ee garadag iyo Ceel Af-weyne in aanu lumin, in madaama Maxamuud Xaashi dhawaan Xisbiga laga saaray in aanay arrinta Xasan Gaafaadhi-na ay raacin.

Dhinaca kale, Maxamed Kaahin Axmed, oo ay Madaxweynaha saaxiibo dhow yihiin, ayaa la aamisan yahay in duruufaha siyaasaddeed ee ku gedaaman Xukuumaddooda iyo Xisbigooduba ay keeneen muddooyinkii u dambeeyey in ay kala weji dadbaan, oo xidhiidhkoodii saaxiibtinimo ay mid shaqo oo duruufaheeda wataa soo dhex gashay, iyada oo qaabka Madaxweyne Biixi uga fikirayo mustaqbalka siyaasaddeed ee Kulmiye iyo ka Maxamed kaahin ay kala duwan yihiin.

Muddooyinkii u dambeeyey, waxa jiray tallaabooyin uu qaaday Madaxweyne Muuse Biixi, oo aanu ku farxin Wasiir Kaahin, inkasta oo tallaabooyinkaasi ahaayeen kuwo ka mid ah waajibaadka Madaxweynaha oo uu gutay, waxaana ka mid ahaa Wasiirro iyo Masuuliyiin Xilalka laga qaaday oo u badnaa kuwo markii hore talo soo jeedintiisa ku yimid, halka la magacaabay kuwo uu u arkay in aan lagala tashan oo ka soo jeeda deegaankiisa.

Tallaabooyinkan u dambeeyey ee Madaxweyne Biixi, ayaa dadka siyaasadda lafa guraa tilmaamayaan in ay yihiin kuwo walaac ku abuuri kara Mujaahid Kaahin, oo keeni kara in Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Xasan Gaafaadhi ku dhiso, amma uu isagu sii hayo.

Wargeyska Saxansaxo

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this