Sign in to follow this  
Deeq A.

Tiradii ugu badneyd ee Soomaali ah oo ka qeyb galaya siyaasadda Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Tiradii ugu badneyd ee Soomaali ah oo ka qeyb galaya siyaasadda Mareykanka

somali.jpg
ย Soomaalida Mareykanka

Doorashooyin heer deegaan ee gobolada Mareykanka, ayaa ka qasboomaya dalkaasi, iyadoo xubnihii ugu badnaa ee Soomaali ah ay ka qeyb galayaan tartankan siyaasadeed.

Jagooyinka loo tartamayo waxaa kamid ah duq magaalo iyo xubnaha golaha deegaanka.

Waxaa sharaxan illaa iyo haatan inta og yahay 14 ruux oo Soomaali Mareykan ah, kuwaasoo u sharaxan kuraas kala duwan.

Gobolka Minisota waxaa ka sharaxan sagaal qof oo Soomaali ah. Gobolka Washintan, magaaladiisa Siyatal, waxaa ka sharaxan illaa iyo afar qof oo Soomaali ah.

Magaalada Kolombas ee gobolka Ohaayana, waxaa ka sharaxan hal qof, oo u tartamaya golaha waxbarashada.

Magaalada Miniyabolis kursiga u sarreeya waxaa u sharaxan A J Cawad, oo ah wiil dhalnyaro ah oo Soomaali ah, isla markaana shaqadiisu tahay qareen.

Magaalada Miniyabolis, ayaa u ah xudun siyaasadda Soomaalida Mareykanka, uma codeynayaan kuraasta loo tartamayo oo kaliya.

Sidoo kale, waxey kala dooranayaan wax ka badalka xeerka magaalada, ee kusaabsan mustaqbalka booliiska ee amniga, sida looggu qeybinayo awooda Golaha Deegaanka iyo duqa magaalada, iyo xadidista kirada guryaha, oo waa yadii danbe si xawli ah qiimahooddu sare ugu kacayey.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this