Sign in to follow this  
Deeq A.

Odayaal ka soo Horjeeda Dib u Doorashada Xildhibaanad Canab Xasan Cilmi oo Laascaanood Lagu Xirxiray

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG-20211101-WA0001.jpg?resize=1000%2C10Qaar ka mid ah odayaasha Laascaanood lagu xirxiray oo uu ka mid yahay walaalka Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil.

Laascaanood (Wararka PP) — Maamulka Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay afar oday oo isku jees ah kuwaas oo farriin u soo diray Puntland. Odayaashu waxay ka codsadeen guddiga doorashooyinka heer federaal ee Puntland in markan beeshoodu xaq u leedahay inuu nin xildhibaan u noqdo.

Odayaasha la xiray waxaa ka mid ah Faarax Garaad Ismaaciil, Maxamed Cawad Baaruuf iyo Mustafe Aadan Gole. Waxay ka soo horjeedaan in Canab Xasan Cilmi mar kale loo doorto xildhibaanad heer federaal. Canab waa xildhibaannada keliya oo si cad u dhaleecaysay barakicinta qasabka ah oo uu maamulka goosashada doonaya Laascaanood ugu geystay dad Soomaaliyeed.

VideoCapture_20211003-153902.jpg?resize=Canab Xasan Cilmi waa xildhibaanad metesha Laascaanood heer federaal oo odayaasha maamulka Somaliland uu xirxiray ay ka ololeynayeen.

Ragga Laascaanood lagu xirxiray waxay taageersan Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo loo hasyto inuu taageero hoose u muujiyay barakicinta qasabka ah isagoo dhowraya xiriirka ehelnimo uu la leeyahay Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Guddoomiyaha Aqalka Wakiillada Hargeysa.

“Way adag tahay in Garaad barakicin qasab ah taageeray uu kaalin ku yeesho diyaarinta ergeda. Madaxdhaqameed kale ayaa hawshaas iska leh. Canabna way guuleysanaysaa” ayuu Axmed Jaamac Cali, firfircoone siyaasadeed, u sheegay Puntland Post.

© Puntland Post, 2021

The post Odayaal ka soo Horjeeda Dib u Doorashada Xildhibaanad Canab Xasan Cilmi oo Laascaanood Lagu Xirxiray appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this