Deeq A. Posted November 1, 2021 Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta ku guuleystay kursiga ugu horreeyey ee Golaha Shacabka 11-aad, kadib doorasho ka dhacday dugsiga tababarka ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Iskool Poliisiya. Mahdi Guuleed ayaa ka adkaaday Marwo Mushtaaq Ibraahim Yuusuf, wuxuuna helay codad dhan 97 cod, halka musharixii la tartameysay ay heshay saddex cod oo kaliya, sidoo kale waxaa xumaaday hal cod. Haddaba waa kuma Mahdi Guuleed? Mahdi waxa uu beel ahaan soo jeedaa magaalada Hargeysa. Waxa uu ku dhashay deegaanka Awaare ee dalka Itoobbiya, xili ku siman horraantii toddobaatameeyadii. Dhanka waxbarashada Mahdi ayaa hoose iyo tan saraba ku soo qaatay dalka Itoobbiya gaar ahaan magaalada Addis Ababa, halka uu sidoo kale waxbarashada heerka labaad ka diyaariyey dalka Koonfur Afrika, isaga oo bartay kuna takhasusay xeerka dhaqaalaha caalamka, xeerka caalamiga ah iyo baadhista sharciga. Waxaana Mahdi xilkiisii ugu horreeyey ee dawladeed uu ka qabtay dalka Itoobiya, gaar ahaan deegaanka Soomaalida isaga oo noqday ku simaha xafiiska caddaaladda. Waxaana uu booskaa uga wareegay sannadkii 1999 Madaxa Ciqaabta iyo Madaniga ee isla dawlad deeganka Soomaalida Itoobbiya. Waxa uu sidoo kale isla xilligaas noqday, La-taliyihii sharciga ee Gudida diyaarinta sharciyada ee kilinka Shanaad ee dalka Itoobbiya. Sannadihii danbena waxa uu soo wareegay dhanka Magaalada Hargeysa isaga oo qayb ka ahaa aasasayaashii kulliyada sharciga ee Jaamacadda Hargeysa, oo uu sida oo kalena muddo dheer macallin jaamacadeed ka ahaa isla jaamacaddaas. Waxa uu kadib noqday madaxa kuliyadda sharciga ee Jaamacada Hargeysa, Hadda waxa uu shahaada PhD ka diyaariyaa jaamacada UN ee Peace University Addis Ababa. Waxa uu sidoo kale xubin ka ahaa guddida doorashooyinka Somaliland 2009-kii, waxaa uu noqday la taliyaha sharciga ee guddida doorashooyinka Somaliland iyo Operation Director, Sidoo kale waxa uu hay’adda UNDP kala shaqeeyey sharciga/ Rule of law. Mahdi ayaa tan iyo markii la doortay madaxweyne Farmaajo soo ahaa ra’iisul wasaare ku xigeen, isaga oo u soo noqday Ra’iisal Wasaarihii hore ee Xasan Cali Khayre iyo kan hadda xilka haya Maxamed Xuseen Rooble. Waxay taasi ka dhigeysaa mid ka mid ah ra’iisal wasaare ku xigeenkii ug muddada dheeraa. The post Waa kuma Mahdi Maxamed Guuleed? (Taariikh kooban) appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites