Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo kulan gaar ah la qaatay Wakiilka hay’adda FAO ee Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
251526109_1281370758943108_1911240828917

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Wakiilka Hay’adda FAO ee Soomaaliya Etienne Peterschmitt iyo wefdi uu hoggaaminayo.

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda hay’adda FAO ka wado Puntland iyo sidii loo sii laba jibaari lahaa gaar ahaan mashaariicda la xiriira Beeraha iyo Xoolaha sida lagu sheegay war ka soo baxay Madaxtooyada Puntland.

 Waxaa Kala qeyb galay Madaxweynaha Kulankan Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo kulan gaar ah la qaatay Wakiilka hay’adda FAO ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this