Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Cirro Oo Ka Hadlay Siyaasi Maxamuud Xaashi + Tanaasulkii Cabdiaadir Jirde Iyo Xirsi

Recommended Posts

Deeq A.   

Gudoomiye Cirro oo ka hadlayey wadahadalada uu xisbiga WADDANI kula jiro siyaasiyiinta uu horkacayo XAASHI ayaa yidhi:

“Waxyaabo badan ayaa jiray, oo ay ka mid yihiin wadahadalo xisbigu kula jiray siyaasiyiin uu hogaaminayay Maxamuud Xaashi Cabdi oo sida aad ka warqabtaan wadatashi ayay labada dhinacba ku maqan yihiin, waxaanan filayaa in ay iska soo gabagaboobmi doonaan insha,alaah wada-tashigaasi”.

Sidoo kale Gudoomiye Ciro oo ka hadlaya loolanka loogu jiro hanashada gudoomiyaha xisbiga ayaa yidhi “Waxaan ku dhiiraday in aniga oo aan wali madaxwayne noqon aan idhaahdo kursiga gudoomiyaha waa lagu tartamayaa, waxa aanay taasi muujinaysaa in xisbiga aanu qof lahayn.”

Ugu danbayn Cirro ayaa u mahadceliyey siyaasi Cabdiqaadir Jirde “Raga xisbiga ku jira qofkii ugu mudnaa wuxuu ahaa Cabdiqaadir Jirde, waa nin qaran oo gartay in uu u tunaasulo dhalinyarada kale ee Xisbiga.”

Gudoomiyaha ayaa hadalkan ka jeediyey xaflad casho sharaf ah oo uu caawa xisbiga WADDANI ku casuumay qaar kamida qurbajooga taageera xisbiga, Halkan hoose ka DAAWO

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this