Sign in to follow this  
Deeq A.

Mahdi Guuleed oo loo doortay xildhibaankii ugu horeeyey Golaha Shacabka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta ku guuleystay kursiga ugu horreeya ee Golaha Shacabka, kadib doorasho ka dhacday dugsiga tababarka ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeraal Kaahiye.

Mahdi Guuleed ayaa ka adkaaday Marwo Mushtaaq Ibraahim Yuusuf, wuxuuna ku soo baxay codad aad u badan, sida uu shaaciyey guddiga doorashada ee gobollada waqooyi.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa helay codad dhan 97 cod, halka musharixii la tartameysay ay heshay saddex cod oo kaliya, sidoo kale waxaa xumaaday hal cod.

Natiijada soo baxday iyo guusha Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa aheyd mid hore loo sii saadaalinayey oo la filayey, maadaama uu isagu keensaday gabadha la tartameysay.

Doorashada ayaa haatan sii soconeysa, waxaana la guda-galayaa kursiga xiga ee isla maanta la qabanayo doorashadiisa.

Ammaanka goobta ay doorashada ka dhaceyso oo ah dugsiga tababarka ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Janeraal Kaahiye ayaa aad loo adkeeyey, waxaana la geeyey goobta ciidan gaar ah oo ka tirsan kuwa Booliska ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Goobta ay doorashada ka dhaceyso waxaa sidoo kale shalay kormeeray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo boggaadiyey qaabka ay wax u socdaan.

Doorashada xildhibaada Golaha Shacabka ayaa ka duwan mida Aqalka Sare, waxaana xildhibaanada cusub kursi kastaa soo dooranaya illaa 101 ergo ah.

The post Mahdi Guuleed oo loo doortay xildhibaankii ugu horeeyey Golaha Shacabka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this