Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddi loo magacaabay fulinta amar uu dhawaan soo saaray Madaxweyne Farmaajo

Recommended Posts

Deeq A.   
4A6A6C55-9A6C-42EB-8C1A-00895A100EF0.jpe

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirrada oo ku saabsanaa xaaladda guud ee dalka, ansixinta miisaaniyadda dowladda 2022 iyo Guddiga fulinta wareegtadii Madaxweyne Farmaajo ee ku saabsanayd ilaalinta dhulka danta-guud.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo bogaadiyey kororka iyo ansixinta miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2022-ka ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Maaliyadda oo miisaaniyadda 2022-ka ku soo dhammays tirtay waqtigii loo muddeeyey, dhammaan hey’adaha dowladda ee ka shaqeeyay kordhinta dakhliga dowladda iyo Golaha Wasiirrada oo ansixiyay.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddiga hoos ku xusan u magacaabay fulinta wareegtadii Madaxweyne Farmaajo ee ku saabsanayd ilaalinta dhulka danta-guud;

1)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Gen. Mukhtaar Xuseen Afrax – Gudoomiye

2)- Wasiirka Caddaaladda: Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur

3)- Wasiirka Amniga Gudaha: Mudane Cabdulaahi Maxamed Nuur

4)- Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare: Mudane Cabdullaahi Abuukar Xaaji.

PUNTLAND POST

The post Guddi loo magacaabay fulinta amar uu dhawaan soo saaray Madaxweyne Farmaajo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this