Sign in to follow this  
Deeq A.

“Reer Awdalow Waad Aragtaan Xukuumaddii KULMIYE Ee Muuse Biixi Hoggaaminayay….” Musharax Xirsi Oo Farriin U Diray Shacabka Reer Awdal

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa ugu baaqay reer Awdal in ay qayb weyn ka qaataan isbeddel ka dhaca dalka oo lagu beddelo Xisbiga KULMIYE, ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Biixi.

Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani, ahna murrashax u taagan jagada Guddoomiyaha Waddani, oo ka hadlayey Magaalada Boorama ayaa sheegay in ay xisbi ahaan soo dhawaynayaa beesha Maxamed Case ee ku biirtay iyo weliba murrashaxnimada Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad Xisbiga Waddani ee uu doonayo Abubakar Good, waxaanu yidhi “Waxaanu idin soo dhawaynaynaa Xisbi ahaan, waxa aanu idin leenahay guusha nagala shaqeeya. Anigu oo u sharaxan Guddoomiyaha Xisbiga Waddani iyo Abubakar oo guddoomiye kuxigeenka u sharaxan, labadayda deegaana isku mid ayaanu ahayn oo shalay Siillaanyo iyo Saylici, ayaa wada sharaxnaa, waxaanan rajaynayaa in aanu labadayduba wada guuleysan doono. Labada murrashaxna guul gaadhsiin doono insha allaah.”

“Deegaankan waxa lagu yaqaanaa isku duubni, ficil iyo karti, waxa aan rajaynayaa in ay hormuud ka noqdaan ololihiisa iyo geeddiga uu ugu jiro inuu talada dalka ku hanto. Guud ahaana reer awdal waxa aan leeyahay reer Awdalow waad aragteen Xukuumaddii Kulmiye ee Muuse hoggaaminayey, maanta waxa aynu doonaynaa isbeddel khayr qaba”, Halkan hoose ka DAAWO

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this