Sign in to follow this  
Deeq A.

“Jaamac Shabeel Wuxuu Ahaa Geesigii U Golan-Golay Ee Mabda’iisa La Bedeli Kari Waayay Ee Garab Istaagay Madaxweyne Muuse Biixi Xiligii Ay Duruuftu Ku Adkayd Ee Go’doonka Laga Dhigay..” Amb Kaysar Cabdillaahi Maxamed

Recommended Posts

Deeq A.   

Nin Faras dabadii ka degay, wax u dhaama ayuu waayay!

Asalaamu Calaykum

Mujaahid/Garyaqaan Jaamac Ismaaciil Cige oo ku magac dheer “Jaamac-shabeel” ayaa maanta shaaciyay inuu si rasmi ah uga dhaqaajiyay Xisbigii Kulmiye, isla markaasna uu go’aansaday inuu olole u geli doono sidii Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Cirro uu ugu guulaysan lahaa doorashada inagu soo socota ee 2022.

Garyaqaan Jaamac Shabeel oo ka mid ahaa geesiyaashii ururkii SNM, tacab aad u balaadhana geliyay dalkiisa hooyo, kana soo qayb qaatay yagleelidii, nabadayntii iyo dhismaha Qaranka Somaliland, waxa uu hormuud ka ahaa hoggaankii Xisbiga Kulmiye ee guusha haleelay labadii doorasho Madaxtooyo Xisbiga KULMIYE uu guulaysay.

Waxa kale oo Jaamac Shabeel uu ahaa Geesigii u golan-golay ee mabda’iisa la bedeli kari waayay ee garab istaagay Madaxweyne Muuse Biixi xiligii ay duruuftu ku adkayd ee go’doonka laga dhigay. Waxay ahayd xilli aad ugu qadhaadhaa Madaxweyne Muuse oo ay cid kastaa ka  dhaqaaqday, hase yeeshee Jaamac Shabeel waa la dhaqaajin waayay oo wuu u quturtay, waanuu diiday inuu saaxiibkii cidlo kaga dhaqaaqo.

Markii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu ku guulaysay Madaxnimada waxaa la filayay in Garyaqaan Jaamac Shabeel uu ka mid noqon doono masuuliyiinta uu Madaxweynuhu xulan doono, nasiib darro may dhicin taasi, waxaana uu Jaamac dareemay inaanuu helin xaqii iyo xurmadii uu ku lahaa Xisbiga Iyo Madaxweynahaba, taasoo dad badanina ay la dareemayeen.

Inkasta oo aanan shakhsiyan jeclaysan dhaliilo badan oo uu Xukuumada u mariyay warbaahinta, hadana marnaba muu ahayn qof mudan sidii foosha xumayd ee loola dhaqamay

Kaysar ahaan marar kala duwan ayaan si shakhsi ah oo  dadban oo hoose aan uga hawl galay in la dhameeyo khilaafka u dhexeeyay Jaamac Iyo Xukuumada, nasiib darro may suurto gelin.

Garyaqaan Jaamac waxaan u rajaynayaa Nasiib wacan iyo mustaqbal ifaya, waxaanan leeyahay Nin Faras dabadii ka degay wax u dhaama ayuu waayay.

Allow Eex ma tiraabine Aqoon haygu cadaabin

Amb Kaysar Cabdillaahi Maxamed

Wasiir ku Xigeenkii hore ee Wasaaradaha Ganacsiga, Qorshaynta Iyo Arrimaha Debada.

kaysar@diplomats.com 

Bristol. UK

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this