Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubin ka tirsan Golaha Sare ee Ahlu-Sunna oo shaaciyey sir u qarsaneyd kooxda (Daawo)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Macalin Cabdi Diiriye oo kamid ah Golaha sare ee Ahlu-Sunna ayaa shaaciyey qorshe qarsan oo qaar kamid ah xubnaha ururka ay dejiyeen kaasi oo ay bulshada ugu maran habaabiyeen xiisadii ka dhex aloosneyd ururka iyo maamulka Galmudug.

Sheekh Diiriye ayaa sheegay inaysan jirin duulaan lagu yahay caqiidada, taasi oo ay hore u sheegen qaar kamid ah Culima’udiinka ururka Ahlu-Sunna Waljamaaca oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, si ay shacab badan u dagaal-geliyaan.

“Marka ay arkeen in ciidamadii furimaha cadowga ku horjoogay loo daabulayo si loogu dagaalamo Culima’udiinka Ahlu-Sunna Waljamaaca, markay arkeen fatwooyinka is-daba jooga ah ee lagu baneysanayo dhiiga Culima’udiinka Ahlu-Sunna, waxay isla qaateen in uu yahay mid ku saleysan caqiido” ayaa lagu yiri 22-kii bishaan war-saxaafadeed ay soo saareen qaar kamid ah culima’udiinka Ahlu-Sunna.

Sheekh Diiriye oo ah xubin ka tirsan Golaha sare ee ururka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in xiisadaas lagu tilmaamo mid caqiido, islamarkaana la kiciyo dadka.

“Ahlu-Sunna Waljamaaca laguma soo duulin oo diin laguma soo duulin, waxaa lagu kicinayay dadka. Dad badan ayaa run u qabay oo ayaga sidaas ku dhintay hadda oo dagaalka qeyb uga ahaa,” ayuu yiri Sheekh Macalin Diiriye.

“Siyaasiyiintan mansab raadiska waxay rabaan toos ha u sheegtan, magacan la dhibaateyay ma qaadi karo dhibaato kale walaalayaal mid kale la baxa oo ha ka dhigina magaca mid umadda ka cararto.”

Hadalkan ayaa waxa uu banaanka u soo saaraya in Ahlu-Sunna ay wajaheyso kala qeybsanaan weyn, kadib markii ay markale kusoo labo kacleeyen deegaanada maamulka Galmudug oo hore looga adkaaday.

The post Xubin ka tirsan Golaha Sare ee Ahlu-Sunna oo shaaciyey sir u qarsaneyd kooxda (Daawo) appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this