Sign in to follow this  
Deeq A.

Xarunta ay ka dhaceyso doorashada golaha shacabka ee Muqdisho + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) –Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta kormeeray goobta ay ka dhacayso  doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee Gobollada Waqooyi (Somaliland), taas oo berri ka bilaabaneysa Muqdisho.

Xaruntaan ayaa ku dhex-taalla dugsiga tababarrada booliska Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye, Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin ka dhageystay Guddiga Maamulka Doorashada Gobollada Waqooyi ee SEIT iyo saraakiisha amniga doorashada, isagoo kula dardaarmay in ay si hufan u maamulaan howsha doorashada oo la qorsheynayo in ay berri bilaabato.

Dhanka kale Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar), ahna guddoomiyaha guddiga amniga doorashooyinka ayaa Ra’iisul Wasaaraha maanta ku wehliyey kormeerka ku tagay goobta ay ka dhaceyso doorashada xildhibaanada gobollada Waqooyi oo dhawaan la shaaciyey habraaceeda.

Kormeerka uu maanta Ra’iisul Wasaare Rooble ku tagay dugsiga tababarka Boliiska ee General Kaahiye ayaa waxa uu u daarna u kuur-galida qaabka loo sugayo amniga goobtaas iyo dardar-gelinta howlaha amniga doorashooyinka oo Booliska u xilsaaran yahay.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa shalay si wadajir ah usoo saaray habraaca doorashada xildhibaanada gobolada waqooyi, kadib khilaaf muddo ka dhex aloosna.

Sidoo kale waxa uu Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) kormeer howleed ku tagay Hoggaanka Gaadiidka Boliiska, si loo dardargaliyo howlaha u yaalla Ciidanka Boliiska.

Xijaar ayaa inta badan kormeer ku taga goobaha ay ka qabsoomayaan doorashooyinka oo dhowr jeer dib u dhac ku yimid, waxaana lagu wadaa in dhawaan si rasmi ah loo gudo galo doorashada Golaha Shacabka.

372d02b5-0130-4049-852c-3a91b33f3965.jpg 89327a81-5684-47b8-bfa4-5f46d1a41aba.jpg b0496378-3e6e-4e63-a1f6-de3b60019767.jpg c805a84d-2950-49dc-b09f-271821c2bec1.jpg da8d604d-e40f-4582-b069-247fd0fa2cc1.jpg rooble-1.jpg

249383409_4763913487002739_1435025174010 250695501_4763913340336087_8989438614528 250796552_4763913337002754_2277248345306 249267123_4763913357002752_5870009391285 249840791_4763913360336085_4026335299463 250721481_4763913503669404_2199440563278 249624511_4763947946999293_7695333911264 250099952_4763947960332625_1516963358314 249977111_4763947990332622_4957861989741

The post Xarunta ay ka dhaceyso doorashada golaha shacabka ee Muqdisho + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this