Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga Khilaafaadka oo ka horyimid habraacii doorashada Golaha Shacabka gobolada Waqooyi

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka Federaalka ayaa ka horyimid habraacii doorashada Golaha Shacabka gobolada Waqooyi ee ay soo saareen Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Guuleed

Waxay sheegeen in Guddiga uu mas’uul ka yahay u garnaqida iyo xallinta cabashooyinka ay u soo gudbiyaan ergooyinka iyo musharixiinta ay saameyso xadgudubyada ka dhasha maamulka doorashada dadban ee 2020-2021 iyo in uu awood sharci ah u leeyihiin in uu baaritaan ku sameeyo oo uu go’aamiyo cabashooyinka iyo diidmada laga keeno arrimaha la xiriira musharaxnimada ama cod-bixiyenimada.

Sidoo kale waxay sheegeen in Guddiga uu awood sharci ah u leeyahay inuu eego oo go’aamiyo muranada lagu diido go’aanada ay gaareen guddiyada labada heer ee ku aadan kala shaandheynta ergooyinka iyo murashaxiinta u tartamaya Baarlamaanka 11-aad JFS.

PUNTLAND POST

The post Guddiga Khilaafaadka oo ka horyimid habraacii doorashada Golaha Shacabka gobolada Waqooyi appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this