Deeq A. Posted October 31, 2021 (SLT-Cape Town)-Nin Soomaali ah ayaa lagu dilay dalka Koofur Afrika, xilli faah-faahinno dheeraad ah ay kasoo baxayaan dilka ninkaasi. Nin ayaa waxaa dilka u gaystay dableeyd hubaysan ay ku toogteen Degmada Mitchells Plain oo kamid ah degmooyin ugu dadka badan ee Magaalada Cape Town. Marxuumka ayaa lagu magacaabi jiray Cabdinaasir Maxamuud Cabdi, waxaana la sheegay in kooxdii dilka gaysatay ay goobta iskaga baxsadeen. Dilka kadib waxaa goobta gaadhay Ciidamo ka tirsan Booliska Koofur Afrika, kuwaasi oo baadhitaanno sameeyay, ilaa iyo haddana lama shaacin cid loos oo qabtay dilkaasi. Dalka Koofur Afrika waxaa ganacsiyo waa weyn ku leh Soomaali badan, kuwaasi oo dilal iyo dhac joogta ah kala kulma budhcadda Koofur Afrikaanka ah. Source Share this post Link to post Share on other sites