Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo maanta yeelanaya kulan aan caadi ahayn

Recommended Posts

Deeq A.   

Maanta ayaa waxaa la filayaa in Xubnaha Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay Magaalada Muqdisho ku yeeshaan kulan aan caadi ahayn.

Xubnaha Golaha Wasiirada ayaa waxaa loo diray xalay farriimo lagu wargelinayay in ay si buuxda uga soo qeyb galaan Shirka Golaha oo qabsoomaya labada duhurnimo.

Xukuumadda Soomaaliya si rasmi ah uma shaacin waxyaabaha looga hadlayo kulanka Maanta, balse kulankaan ayaa baaqday Maalintii khamiista aheyd ee la soo dhaafay, kaas oo qorshuhu ahaa in Shirka Golaha Wasiirada lagu Magacaabo Agaasimaha KMG ah ee  Hay’adda NISA iyo kuxigeenkiisa, qorshahaas oo loo badinayo in Maanta la fuliyo.

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa todobaad walba khamiistii waxaa ay yeeshaan kulankooda caadiga ah, balse kulamada Maalmaha kale ayaa waxaa ay noqonayaan kuwa aan caadi aheyn oo lagu gaaro go’aano kala duwan.

PUNTLAND POST

The post Golaha Wasiirada Soomaaliya oo maanta yeelanaya kulan aan caadi ahayn appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this