Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Qoor Qoor oo Ahlusunna ka dalbaday in ay hubka soo wareejiyaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa sida la xaqiijiyay hoggaanka Ahlusunna oo ku sugan degaanka Bohol wuxu  ka dalbaday in ay sida ugu dhakhsaha badan hubka u soo wareejiyaan.

Madaxweyne Qoor Qoor oo kulamo ka wada magaalada Guriceel ayaa la sheegay in uu Odayaasha dhaqanka farriin ugu dhiibay hoggaanka Ahlusunna si ay isu soo dhiibaan.

Axmed Qoor Qoor ayaa Odayaasha farriinta uu Odayaasha u faray Ahlusunna wuxu kaga dalbaday in ay hubka ku wareejiyaan ciidamada dowladda Federaalka iyo Galmudug islamarkaana isa soo dhiibaan.

Wararku waxay sheegayaan in hoggaanka Ahlusunna ka dhega-adaygay dalabka Qoor Qoor ee ku saabsan in ay hubka dowladda ku wareejiyaan si looga baaqsado dagaal kale.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Qoor Qoor oo Ahlusunna ka dalbaday in ay hubka soo wareejiyaan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this