Sign in to follow this  
Deeq A.

Xadgudubyo la sheegay in ay ka dheceen doorashadii Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
PhotoCollage_20211030_225957855.jpg?resi

Garowe (Wararka PP) — Ururrada Runcad, Mustaqbal, Horseed iyo Ifiye ayaa sameysay isbaheysi siyaasadeed oo la magacbaxay ‘Madasha Ururrada Siyaasadda Puntland’ sida ay ku sheegeen war-saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen.

Dhanka kale, Madasha cusub waxay tilmaantay in doorashadii golaha deegaanka degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn ay ka dhaceen xadgudubyo baahsan oo ka hor-imanaya shuruucda iyo xeerarka doorashooyinka Puntland, kuwaas oo ay ka mid yihiin; laaluush iyo cod-gadahso, adeegsi hanti iyo awood dowladeed, kaarar codbixin oo si qaldan loo adeegsaday iyo handadaad loo geystay codbixiyeyaal aan is difaaci karin.

Madasha Ururrada Siyaasadda Puntland waxay eedeyn u jeedisay Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland, oo ay sheegeen in ay ansixisay natiijada doorashada, iyadoo aan wadatashi la yeelan ururada siyaasadda Puntland.

Madashu waxay ugu baaqday Beesha Caalamka iyo daneeyaasha kale in ay ka baaraan dagaan hannaanka doorashada Puntland ku dhacday iyo natiijada ka soo baxday.

Ugu danbeyn, Madashu waxay tilmaantay in ay ka walaacsan tahay sii socoshada hannaankan, maadaama bay yiraahdeen ay ku bilaabatay wadiiqo qaldan iyo sifo sharci darro.

FB_IMG_16356189819214063.jpg?resize=720% FB_IMG_16356190024567459.jpg?resize=720%

PUNTLAND POST

The post Xadgudubyo la sheegay in ay ka dheceen doorashadii Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this