Deeq A. Posted October 30, 2021 Wararka naga soo gaarayo degmada Awaare ee gobalka Jarar dhulka dowlad deegaanka Soomaalida ayaa sheegaya in dad badan ay ku sumoobeen hilib ay cuneen. Dadka sumoobay oo kor u dhaafaya 30 ruux ayaa ku sumoobay neef hilibkiisa ay cuneen. Xaaladda caafimaad ee dadka ayaa lagula tacaalay Isbitaalada degmada Awaare. Maamulka degmada iyo kan gobalka weli dhankooda kama aysan hadlin dhacdadaan dadka ay ku sumoobeen. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites