Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo bilaabay kulamo looga hadlaayo go’doominta Shabaab ee Xudur

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xarunta Madaxtooyada Magaalada Xudur ku Qaabilay Ururada Haweenka Gobolka Bakool oo ka dhagaystay baahiyaha ay qabaan iyo ka qeybqadashada hormarka Gobolka iyo Xaqiijinta Amniga.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Sidoo kale kulan la qaatay Odeyaasha Dhaqanka Degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Ururada Haweenka Gobolka Bakool ee ka qeybgalay kulanka ayaa  Madaxweynaha Warbixin ka siisay Doorka  Haweenka ee ka qeyb-gadasha Amniga iyo Hormarka.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Haweenka Gobolka Bakool uga Mahadceliyey Dadaalkooda ku aadan Dowlad dhiska iyo ka shaqaynta Amniga.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo bilaabay kulamo looga hadlaayo go’doominta Shabaab ee Xudur appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this