Deeq A. Posted October 30, 2021 Codbixiyayaasha Japan ayaa u dareeri doona goobaha codbixinta maalinta Axadda iyadoo xisbiga Ra’iisul Wasaaraha Fumio Kishida uu u halgamayo sidii loo badbaadin lahaa aqlabiyadda aqalka hoose, iyadoo ay ka careysan yihiin sida ay wax uga qabteen cudurka faafa ee coronavirus iyo sidoo kale ka sii darayaan sinnaan la’aanta dhaqaale. Ka hor inta aan la kala dirin baarlamaanka si loogu codeeyo Axadda, xisbiga talada haya ee Liberal Democratic Party (LDP) wuxuu lahaa 276 kursi oo ka kooban 465 xubnood, halka saaxiibkiisa isbahaysiga Komeito uu haysto 29. Inta badan codadka ayaa mar kale saadaaliyay in xisbiga LDP uu ku guuleysan doono aqlabiyada, inkastoo kuraas la yareeyay, Kishida – oo xafiiska la wareegay horaantii bishaan – ayaa sheegay Isniintii in xisbigu uu wajahayo xaalad aad u adag oo ku saabsan codbixinta soo socota. Sababtuna waxa ka mid ah in shan xisbi oo mucaarid ahi ay ku midoobeen sidii ay musharraxiin wada jir ah uga soo saari lahaayeen degmooyin tiro badan oo hal xubnood ah. PUNTLAND POST The post Doorashada Baarlamanka Japan oo berri dhacaysa appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites