Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Federaalka oo war ka soo saartay dad Soomaaliyeed oo hab isir loogu xiray wadanka Zambia

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa war kasoo saartay dad Soomaaliyeed oo xarig wadareed loogu geystay waddanka Zambia.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in dowladdu si dhow ula socoto warbixinnada sheegaya xarig wadareed lagula kacay dad Soomaaliyeed oo ku nool magaalada Ndola ee dalka Zambia.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sheegtay, in dadka Soomaalida ah ee la xiray loo beegsaday hab isir ah, iyadoo aan loo eegin dhalasho ahaan, isla markaana arrintaas ay tahay mid aad uga walaacsan tahay dowladda.

Wasaaradda waxa ay si dhow ula socotaa warbixinnada sheegaya xarig wadareed lagula dhaqaaqay dad Soomaali ah oo ku nool magaalada Ndola ee dalka Zambia oo loo beegsaday hab isir ah, iyadoo aan loo eegin dhalsho ahaan, waa arrin walaac dhalisay”

Ugu dambeyn Wasaaradda ayaa tilmaamtay inay ku hawlan tahay sidii ay cadeymo uga heli lahayd dowladda Zambia, loona xalin lahaa si deg-deg ah tallaabada xarig wadareedka dad Soomaaliyeed loogu geystay Magaalada Ndola ee Caasimadda dalka Zambia.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Federaalka oo war ka soo saartay dad Soomaaliyeed oo hab isir loogu xiray wadanka Zambia appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this