Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Siciid Deni oo maanta furaya Kal-fadhiga 49-aad ee Baarlamanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Kal-fadhiga 49-aad ee Baarlamanka Puntland ayaa maanta oo Sabti ah furmaya kadib dib u dhac kooban oo ku yimid.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa furaya Kal-fadhiga Baarlamanka sida waafaqsan dowladda Dastuurka Puntland.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa lagu wadaa in uu Kal-fadhiga ka jeediyo khudbad ku saabsan waxqabadka xukuumaddiisa ee mudadii u dhexaysay labada Kal-fadhi.

Ajandaha Kal-fadhigan oo aan weli la shaacin ayaa la filayaa in uu ku jiro xeerkii muranka dhaliyay ee lagu mamnuucay gudniinka gabdhaha.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Siciid Deni oo maanta furaya Kal-fadhiga 49-aad ee Baarlamanka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this