Sign in to follow this  
Deeq A.

Haweeneey Saygeedii ku dishay Miiska Qadada+Xukun lagu riday

Recommended Posts

Deeq A.   

Haweeneey Saygeedii ku dishay Miiska Qadada+Xukun lagu riday

,

Haweeney ayaa lagu helay dambi dil ah kadib markii ay mindi ku dishay ninkeeda oo ay isku dhaceen xilli ay qado u fadhiyeen.

Penelope Jackson, oo 66 jir ayaa saygeedii David Jackson oo 78 jir ahaa bishii Feberaayo ku weerartay mindi xilli ay gurigooda ku sugnaayeen.

 

Jackson ayaa sheegtay in ninkeeda uu ahaa mid rabshad badan oo si qasab ah uu u xakamayn jiray isla markaasna uu ku “dheelay” munaasabadeedii dhalshada ee gaarka ahayd.

,

Maxkamad ku taal magaalada Bristol ayaa xabsi daa’in ku xukuntay haweenaydaas. 10 ka mid ah xeer beegtida kiiskaan loo saaray ayaa xukunkaas isku raacay ka dib 11 saacadood oo ay ka baaraan dagayeen.

Saadex jeer ayay mindida ku dhufatay Mr Jackson, oo ahaa saygeedii afaraad xilli ay ku sugnaayeen gurigooda oo ku yaal magaalada Berrow.

Lammaanahan ayaa cuntada la cunay gabadhooda iyo wiilka ay soddogga u yihiin, Isabelle iyo Tom Potterton, iyagoo Khadka Zoom-ka ku wada sheekaysanayey munaasabadda dhalashadooda maadaama bandow lagu jiray.

Mr iyo Mrs Potterton ayaa maxkamadda ka sheegay in ay rumaysan yihiin muranku uu bilowday ka hor inta uusan go’in khadkii ay ku wada sheekaysanyeen.

,

Hase ahaatee, Mr Jackson ayaa wacday gurmad deg degga ah ka dib markii uu dhaawacmay, waxaasui ka daba timid oo mindidii mar kale la dhacday asagoo teleefoonkii ku hadlaya.

Waxaa la maqlay isagoo qaylinaya xanuunka dartiis ayadoo wali ku dilaysa mindidii ilaa uu ka dhintay.

Jackson ayaa markaa la wareegtay taleefoonka, iyadoo leh: “Waxaan dilay ninkeygii, ama isku dayay, sababtoo ah wax igu filan ayaan helay.”

Muuqaal ay booliisku sii daayeen markii ay tageen guriga lammaanaha 13-kii Febraayo, ayay u sheegtay askarta “Mindi ayaan la dhacay, waana ka gaaray dantii aan ka lahaa” isla markaana “ay jeclaan lahayd in ay sii toorriyayso”.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this