Sign in to follow this  
Deeq A.

4-Arrimood oo kaa caawin kara in aad caafimaad iyo farxad ku noolaato

Recommended Posts

Deeq A.   

4 arrimood oo kaa caawin kara in aad caafimaad iyo farxad ku noolaato

.
.

Waxaan halkan ku soo koobeynaa 4 arrimood oo Saynisku qeexay oo Muhiim ah islamarkaana kaa caawin kara inaad Nolol dheer oo farxad leh ku noolaato.

Dadka intooda badan waxay jacel yihiin inay noolaadaan nolol dheer oo farxad leh.

Hadaba haddii aad ka mid tahay dadka noocaasi u fikira, kaliga ma tihid.

Inkastoo caafimaadka iyo cimri dheerarku uu yahay mid uu alle hayo, hadana waxaa jira waxyaabo qofka ka saacidi kara in uu caafimaad ku noolaado.

Halkan waxa idinku soo gudbinaynaan 4 qodob oo kaa caawin kara in muddo dheer aad caafimaad ku noolaato, waana talooyiin seynisku uu cadeeyo oo ku dhisan xaqiiqooyin cilmiyeed.

Khudaar
Khudaar

1. Nafaqada iyo hab nololeedka

Cilmi-baaris ay sameeyeen kooxo kala duwan ayaa muujinaya in miisaankaaga oo aan kordhin, sigaar oo aadan cabbin, in aadan isticmaalka khamriga , iyo cunista ugu yaraan shan cunto oo khudaar ay ku jirto maalintii ay kordhin karaan rajada noloshaada sanado badan.

Qofka cabba sigaarka ama khamriga waxaa kordha miisaankooda waxaana xumaadda xaaladooda caafimaadka.

Qofku waa in uu iska yareeyaa cunnooyiinka ay ku badan yihiin tamarta.

Cunista cuntooyin yar yar oo ay saacado u dhaxeeyaan maalintii ama in uu qofka soomo siddeed saacadood maalintii ama uu toddobaadkii labo maalin ka soomo ayaa la aaminsan yahay inay yarayso khatarta ah in dadka da’da dhexe ay ku dhacaan cudurrada la xiriira da’da.

Qof jimicsi sameynaya
Qof jimicsi sameynaya

Jimicsiga

Adduunka, qaab nololeedka aan wanaagsanayn wuxuu si toos ah u keenaa 10% dhimashooyiinka degdeg ah oo ka dhasha cudurrada muddada dheer dadka haya.

Hab-noolaleedka qofka oo xumaadda iyo jimicsi la’aanta waxaa ka mid ah cudurada ka dhasha wadne xanuunka, nooca 2aad ee macaanka, iyo noocyada kala duwan ee kansarka.

Haddii qof kasta oo adduunka ku nool uu helo jimicsi ku filan, waxay taasi qofka ka caawinaysaa inuu ku noolaado nolol dheer oo caafimaad leh.

Balse intee in le’eg ayaa jimicsiga ugu fiican ee loo baahan yahay?

Jimicsiga aadka u badan wuxuu wax u dhimi karaa habka difaaca jirka wuxuuna kordhin karaa khatarta ah in qofka uu ku dhaco cudurrada la xiriira neefsiga.

Waxaa uu qofku u baahan yahay in 30 daqiiqo oo jimicsi ah uu maalinkii qaato islamarkana dadka intooda badan intaas ayaa ku filan.

Jimicsiga oo aad maalin kasta sameyso kaama caawinayso oo kali ah in aad xoog yeelato, balse waxay sidoo kale gacan ka geysanaysaa xaaladaada inay wanaagsanaato.

.
.

3. sare u qaad heerka difaaca jirka

Si kasta oo aad u xoog badan tahay iyo si kasta oo aad wax u cunto, balse nasiib darro, mar walba oo uu qofka waayeel noqdo waxaa hoos u dhaca difaaca jirkiisa.

Difaaca jirka oo liita iyo la dagaalanka caabuqyada ku dhaca jirkaaga waa natiijada hab-dhiska difaaca jirka oo daciifa.

Waxay bilaabataa inay hoos u dhacdo difaaca jirka qofka sanadaha ugu horeeya qaan-gaarkiisa, islamarkana mar walba oo qofka da’diisa ay koradho waxaa wax iska dhimaya difaaca jirka.

Qofka marka uu waayeel noqdo islamarkana uu is dhimi difaaca jirkiisa waxaa sahlanaaneysa in cudurrada ay ku dhacaan.

Si sare loogu qaado difaaca jirka ee qofka waa in uu isticmaalo nafaqooyin kale si loo dhaqaajiyo unugyada difaaca ee jirka sare na loogu qaado.

Waxay arrintani gacan ka geysanaysaa wanaajinta difaaca jirka ee dadka da’da ah.

4. xoojinta unugyada Jirka

Maadada la yiraahdo Senescencia waa xaalad sun ah oo saameysa unugyadeena marka aan waayeelka noqono, kaasi oo ku faafa jirka oo dhan islamarkana u keena dhaawacyo fudud iyo xanuun joogto ah.

Sannadkii 2009-kii, saynisyahannadu waxay ogaadeen baaritaan ay ku sameeyeen jiirar muddo dheer si caafimaad ah u noolaa ka dib markii la siiyay dawo la yiraahdo rapamycin, taasoo ilaalisa borotiinka loo yaqaan mTOR.

Daawadan waxay caawisaa oo ay nidaamisaa sida unugyadu u helaan una habeeyaan nafaqooyinka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this