Sign in to follow this  
Deeq A.

Turkey oo Masaafurineysa 7 Qof oo Siiriyaan ah oo Muqaalo soo dhigay Baraha Bulshada+Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Turkey oo Masaafurineysa 7 Qof oo Siiriyaan ah oo Muqaalo soo dhigay Baraha Bulshada+Sababta

Turkey oo masaafurineysa 7 qof oo Syrian ah oo ujeedo yaab leh u cunay moos

Turkey ayaa Khamiistii ku dhowaaqday inay xidhay oo ay qorsheyneyso inay dalkeeda ka ceydhiso toddoba qof oo muhaajiriin Suuriyaan ah, oo baraha bulshada soo dhigay muuqaallo muujinaya ayaga oo cunaya moos.

Laanta socdaalka Turkey ayaa sheegtay in muuqaallada ay dadkaas soo dhigeen baraha bulshada ay ahaayeen “daandaansi” loogu jees-jeesay shacabka Turkey oo in badan oo ka mid ah ay hadda haysato xaalad dhaqaale xumo. 

Laanta socdaalka ayaa sheegtay in toddobaad qof la xidhay, oo loo masaafurin doono Syria. Dhacdadan ayaa muujineysa sare u kaca dareen ka dhan ah muhaajiriinta oo ka jira Turkey, ayada oo dhaqaalaha dalka uu u xumaaday sababo la xihdiidha sicir-barar iyo qiimaha lacagta Lira ee dalkaas oo hoos u dhacday. 

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in Turkey ay hadda xarun u tahay shan milyan oo qaxooti iyo muhaajiriin ah, kuwaas oo badankood ka yimid dalka ay dagaallada halakeeyeen ee Syria. 

Fadeexadda ku saabsan mooska ayaa billaabatay markii video uu qabsaday baraha bulshada horraantii toddobaadkan, ayada oo uu muujiyey nin ku sugan Istanbul oo ku qeylinaya gabar Syrian ah, kuna eedeynaya muhaajiririinta “waaxad haysataan nolol middeena ka fudud.”

“Nolol raaxo leh ayaad ku nooshihiin, anagana ma cuni karno xitaa moos, adinkana ayaga oo kiilooyin ah ayaad suuqa kasoo iibsaneysaan,” ayuu yiidhi ninka ayada oo kadibna dad cadheysan ay isku hareereeyeen gabadha

Qaar ka mid ah dadka Syrian-ka ah ee jooga Turkey ayaa kadib billaabay dhaq-dhaqaaq ay uga soo horjeedaan takoorka, ayaga oo baraha bulshada soo dhigay muuqaallo muujinaya ayaga oo cunaya moos.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this