Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Mareykanka oo Yurub kaga qeybgalaya shirar muhiim ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa gaaray Magaalada Rooma ee dalka Talyaaniga,si uu uga qeybgalo shir madaxeedka G-20 ee looga hadlaayo arrimmaha canshuuraha oo ah ajeendaha ugu horeeya oo heer caalami ah.

Madaxweynaha ,ayaa sidoo kale habeenka Axada ee soo socota u ambabixi doona Scotland, si uu uga qayb galo shirka cimilada ee Qaramada Midoobay.

Mr Biden waxa uu isku dayi doonaa in uu gudbiyo  fariinta ah in Maraykanku uu dib ugu soo laabtay dadaalka loogu jiro wax ka qabashada isbadalka cimilada, ka dib markii madaxweynihii ka horeeyay ee Donald Trump uu ka baxay heshiiskii cimilada ee Paris.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Mareykanka oo Yurub kaga qeybgalaya shirar muhiim ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this