Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo la sheegay in ay abaabul xooggan ka wadaan degaano ka tirsan Koonfurta Mudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Ex.Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in Al-shabaab wadaan abaabul iyo dhaqdhaqaaq xooggan oo ay doonayaan in ay ku qabsadaan Wisil iyo nawaaxigeed.

Wisil iyo agagaarkeeda kooxaha argagixisadu waxay ka wadaan dhaqdhaqaaq culus oo ay ku doonayaan in ay deegaanno hor leh qabsadaan, shacabkana ku dhibaateeyaan”

Wasiir Fiqi ayaa madaxweyne Qoor Qoor iyo Taliye Odawaa Yuusuf Raage ugu baaqay in abaabulkii ciidan oo ay ku bixiyeen dagaalkii Guriceel mid lamid ah ay ku bixiyaan difaaca Wisil.

Odowaa iyo mdx. Qoorqoor waxaa looga fadhiyaa xooggii, xoolihii iyo abaabulkii ciidan ee ay ku bixiyeen Guriceel in ay Wisil uga difaacaan argagixisada” ayuu yiri Fiqi.

PUNTLAND POST

The post Al-shabaab oo la sheegay in ay abaabul xooggan ka wadaan degaano ka tirsan Koonfurta Mudug appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this