Sign in to follow this  
Deeq A.

Guri-Ceel waxay macnaysay xil-kasnimmada siyaasiga iyo shacabka Soomaaliyeed!

Recommended Posts

Deeq A.   

Dalku ma gabllan baa mise waxa ka muuqda waa basaas ?! Inuu basaasanyahay u malee…SHacabku ma noolyahay mise waa dhintay?! Inuu noolyahay laakiin suuxsanyahay u badi… waa weydiimo marar badan qofka Soomaaliga ee u damqay dadkiisa iyo dalkiisa maskaxdiisa ku soo noqnoqda laakiin jawaabahooda ay ku soo dhammaadaan inuu is qanciyo… Soomaaliya wallaahay baan cidna waxba ka qaadeyn!…innagu dhimashana waa naqaan nololna waa naqaan!…Aaway dadnimmadii?!…aaway geesinimmadii?!… aaway Soomaalinimmadii?!… aaway isu gurmadkii?!…aaway is badbaadintii?!…aaway dad kala dhex galkii iyo u gar naqistii?!…aaway wixii aan ahayn?!…wax kasta waxaa innaga dumiyay Guumeyste inoo helay siyaasi aan xi-lkas ahayn!…Siyaasi aan calooshiisa ka weyneyn!…Siyaasi xoogaa lacag oo lagu caayay soo qaatay!…OO marka, mee shacabkii dalka?!…SHacab?!…shacabku ma dad isaga nool dalkaa mise?!…SHacab AA?!… DHalin-Yaro! Waxyaabo aan dalkeena ka jirin baad moodaa inaan ka hadlayo!…laakiin DHalin-Yaro waa joogtaa Soomaaliya! Haa waa joogtaa! DHalin-Yaro, sow kuwa shanleystee derbiyada ka sheekeeyee ma aha?!! DHibaatada dadkooda intii ay u gurman lahaayeen sow kuwa ku caweeya ku sheekeysta ma aha?!! Odayaasha waaweyn baaba sidaas ahee!… Guri-Ceel maanta maxay taariikh qoreysaa?!…

Sida aynu nahay innagu ma is fiirinay?!…Waxaan is lahaa maamul-goboleeddada Puntland, Koonfur-Galbeed, Jubaland, iyo Hir-SHabeelle madaxdooda Guri-Ceel bay ka degiyaan inta aysan colaad iyo dagaalba ayan bilaaban!…Haddiiba ay dhacday inay madaxdii, hoggaamiyeyaashii, siyaasiyiintii, dadka iyo dalka ay intaas garan waayeen waxaan is lahaa dhaqan soo jireen ah, ummadda iyo waxa ay wadaagto oday-dhaqameed yaqaan qiimaha iyo ehelnimmada ka dhexeysa ummadda baa ku hagoogan oo loo baxsan, dhiigga dadkeenana baajinaya maanta!…Sidee talladu innaga noqotay?!…Madax-weynaha muddada kororsaday ee xafiiska xoogga ku jooga, Max’ed Cabdullaahi Farmaajo, isagu awalba xaalkiisu wuxuu ahaa sidii habartii waalneyd ee ratiga buubaalka ah la saaray ee tiri “ Waa sidaan rabay iyo si lagu daray!” hasa yeeshee Max’ed Xuseen Rooble ayaan is lahaa wax kastaba ha kala kulmee ugu yaraan cagaha ayuu soo dhigayaa isagoo akhyaar iyo wax-garad Soomaaliyeed wata, hasa ahaatee Rooble dad badan baa ku tilmaama Daruur hillaac badan laakiin aan hooreyn weligeed!….
Mid iyadu shaki kuma jiro, Ahlu Sunnah Wa- Al-Jamaacaha, waqtiga ay isku soo aadisay iyo ujeeddada ay u socotay labadaba inay khalad ahaayeen, KHALAD! Hasa ahaatee waxaa dad badan ay qiyaasiyaan oo la rumaysanyahay in labada wadaad ay ku socdeen qorshe dhamays-tiran oo ay doonayeen inay wax ku yeeshaan xil-dhibaannada la soo xulayo ama ugu yaraan in xoogaa loo oggolaado kaalin siyaasadeed si ay ugu yaraan kaalin ugu yeeshaan siyaasadda dowladda iyo maamulka dowlad goboleedka Gal-Mudug, laakiin waxaa dhacay wixii laga baqayay oo ahaa in madax-weynaha Gal-Mudug Axmed Cabdi Kaariye iyo Max’ed Cabdullaahi Farmaajo, madax-weynaha muddada kororsaday ay labadaba arrintaas dagaal ka xigsan doonaan!…Waxaana jirta sida wararkii u horeeyay ee soo baxay ay sheegayeen in madaxda Ahlu Sunna Macallin Maxamuud SHiikh iyo SHiikh SHaakir ay labadaba oggolaadeen markii hore inay si nabad ah uga baxaan xafiisyadii iyo dhismayaashii ay ka qabsadeen degmmada Guri-Ceel ee maamulka Gal-Mudug hasa yeeshee ay magaallada joogayaan, isla markaasna ka digay in lagu soo duulo. Waxaase dhinaca kale iyagana si cad u hadlay odayaasha dhaqanka ee deegaankaas oo iyagu ku cadeeyay in Ahlu Sunnah ay diiday wixii waanwaan ahaa oo ay u jeediyeen oo dhan, arrintaas waxay meesha ka saartay in badan oo ah taageeraddii loo hayay Ahlu Saunnah, hadalka odayaashana wuxuu soo dedejiyay in Qoor-Qoor iyo Farmaajo ay ku dhiirradaan inay adeegsadaan cudud ciidan si loo xaqijiyo in Ahlu Sunnah aysan saameyn siyaasadeed ku yeelan Gal-Mudug iyo dowladda midna.

Waxaa xusid mudan in wasiirkii hore ee amniga dowlad goboleedka Gal-Mudug Axmed Macallin Fiqi uu muujiyay kaalin xil kasnimo ah marka la eego xilka uu ku magacownaa oo ahaa wasiirka amniga, iyo dagaalkii socday ee uu kula jiray kooxda Al-SHabaab, wuxuuna mudnaa in lagu tix geliyo soo jeedintiisa iyadoo isla mar ahaantaasna aysan jirin xaalad deg-deg ah oo qasab ka dhigeysay in dagaal la qaado iyadoo aan waqti ku filan la siin kaalintii wada hadalka iyo nabadda… waxaana shaki la’aan la oran karaa Axmed Fiqi abbaartiisii waa ka soo baxay iyadoo ay hadalladiisa cad-caddaa ka muuqdeen inaysan jirin dan gaar ah oo uu ka lahaa hasa yeeshee ka mas’uul ahaan uu gudanyay xilkii saarnaa.

Waligeedba cid kasta oo hadasha ama wax diidda ma qorigaa looga quusan?!

Si kasta oo ay ahaydba, markii ay odayaashii dhaqanka ee deegaannadaas ay sheegeen inay Ahlu Sunnaha ka dhego adeygtay oo ay diideen baaqoodii iyo dhammaan talooyinkii ay u soo jeediyeen waxay taasi ka dhigneyd farriin waajibkeedu fuulay qof kasta oo saameyn ku leh bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda sida; culumaa’u diinka, siyaasiyiinta, odayaasha dhaqanka, iyo ganacsatada…waxay kaalin fiican oo muuqata u bannaaneyd madaxda dowlad goboleeddada oo sida laga war hayo ay xiriir dhow lahaayeen madax-weynaha Gal-Mudug, kuwaasoo si kedis ah uga degi karay DHuusomareeb iyo Guri-Ceel ama soo jeedin karayay talooyin iyo qorshe siyaasadeed ee ay ka dhex muuqato maslaxadda iyo danta labada dhinac si dagaal loo baajiyo. Waxay ciyaari kareen door dhexdhexaadin ah, midda ugu daran iyo khaladka ugu weyn ee ay mudanyihiin in lagu eedeeyo dowlad goboleeddad Puntland, Koonfur-Galbeed, Jubaland, iyo Hir-SHabeelle in aysan marna ka hadlin colaadda markii ay bilaabatay, in aysan baaq u dirin labadii dhinac ee colaaddu ka dhex aloosantay!…Yaab! Mas’uuliin?! Madax-Weynayaal?! Yaab! Maamul Goboleedyo?!…Ma is tiri malaha waxay la noqotay in dowlado la kala yahay?!…Wali waxaa furan kaalin wax ku ool ah oo runtii u bannaan maamul goboleeddada iyo guud ahaan qof kasta oo Soomaaliyeed taasoo in loo gurmado dadka ku wax yeeloobay iyo kuwii ku tabaaloobay ama ku bara-kacay dagaalkii ka dhacay Guri-Ceel.

Waa 30 sano ka dib, dad Soomaaliyeed ha is dagaalaan oo Soomaali u soo gurmata oo kala dhex gasha ha la waayo maxaad ku macnayn kartaa?! Sow ma aha meel ay xil-kasnimmadii dhimmatay?!…sida wararku sheegayaan dagaalkii Guri-Ceel wuxuu salfaday nolosha 100-150 qof oo isugu jira dhinacyadii dagaalamayay iyo dad shacab ah, waxaana dhaawacyo ay ka soo gaareen laba jibaarka tiradaas ama in ka badan. Waxaa runtii ammaan gaar ah mudan odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta, ganacsatada iyo qaybaha kale ee bulshada ee labada dhinac dhexdhexaadiyay suuro geliyeyna waanwaanta hadda labada dhinaca u socota.

Guri-Ceel waxay macnaysay waxyaabo badan oo ay ugu muhiimsantahay inta ay la egtahay xil-kasnimmada siyaasiga maanta jooga. Bal ka waran madax-weynaha ama siyaasiga Soomaaliyeed ee waayo aragga u ahaa wuxuu dalka soo maray ee wali heerka fikirkiisa siyaasadeed uu joogo inuu xoog iyo qoriga caaraddiisa ku maquuniyo ciddii fikirka siyaasadeed kaga duwanaata?!…Odayaasha dhaqanka inay kaalintooda qaataan oo ay dadka Ilaahay baa ehel ka dhigayee isu keenaan maxaa u diiday?!…Miyeysan kuu muuqan siday u sahlantahay ama u fududahay in siyaasi maan-gaab ah uu khatar gelin karo dadka iyo dalkaba iyadoo shacabku daawanayo?!…waaba dhacday laakiin Eebbaa mahad ku leh oo innaga badbaadiyay dhagartii iyo khayaannadii uu Farmaajo la damacsanaa dadka iyo dalka! DHagartii uu Abiy Axmed ku hoos geeyay talladii dalka! DHagartii ay Maxamed Mursal iyo xil-dhibaannadii uu af-hayeenka u ahaa ee barlamankii 10aad ku taageereen!…

Waxaa loo baahanyahay in dadaallada hadda socda ee laga dhex wado Qoor-Qoor iyo Ahlu Sunnah ay labada dhinac ixtiraamaan iyagoo xasuusanaya oo maanka ku haya dagaalkii 4-ta maalin socday dhibaatada ka soo gaartay dadkii ku noolaa Guri-Ceel haddii ay tahay naf iyo haddii ay tahay hantiba…Waxaa iyadana xusid mudan in ammaanka iyo nabad gelyada muwaadhinka Soomaaliyeed aysan gorgortan gelin isla markaasna ay labada dhinac oo ay ku jirto dowladda federal-ka garowsadaan inay wixii ka dhacay Guri-Ceel ahayd jariimo laga galay dadka Soomaaliyeed guud ahaan mas’uuliyaddeedana ay lahaayeen dowladda federal-ka iyo dowlad goboleedka Gal-Mudug.

W.Q: Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

The post Guri-Ceel waxay macnaysay xil-kasnimmada siyaasiga iyo shacabka Soomaaliyeed! appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this