Deeq A. Posted October 29, 2021 Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa shir gudoomiyay shirka Golaha Wasiirada Galmudug oo caawa ka dhacay degmada Guriceel. Shirka ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen amniga gudaha, maqaamka magaalada Guriceel iyo warbixinta Guddiga Gurmadka Gurceel. Golaha Wasiirada Galmudug ayaa warbixin ka dhageystay Wasaaradda Amniga oo ka warbixisay xaaladda guud ee amniga iyo mida degmada Guriceel oo dhawaan si buuxda gacanta maamulka ugu soo laabatay isla markaasna ay dowladda diyaar u tahay suggida amniga iyo ilaaliinta nabadgelyada guud. Golaha Wasiirada Galmudug oo warbixin ka dhegeystay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ka dood iyo falanqeyn kadib u gacan taagay si aqlabiyad ahna u ansixiyay degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud. PUNTLAND POST The post Galmudug oo degmo u aqoonsatay Guriceel appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites