Deeq A. Posted October 29, 2021 Garoomada Diyaaradaha ee ugu khatarta badan Caalamka Safarka hawadu waa hab caan ah oo dadku ku safraan sababtuna waa waqtiga gaaban, adeegyada iyo jawiga fiican, safarkuna waa raaxo marka la barbar dhigo basaska tareennada lagu tago qaar ka mid ah dalalka Afrika. Inkastoo ay qurux badan tahay diyaaraddu, haddana waxaa walaac xooggan laga muujinayaa badqabka garoomada ay isticmaasho. Daraasado hore ayaa muujiyey in marka diyaaraddu ugu khatarta badan tahay ay tahay marka ay kacayso iyo marka ay cago-dhiganayso, waxayna xilliyadaasi ka khatar badan yihiin marka diyaaraddu ay hawada ku jirto. Garoomada hoos ku qoran waa 8-da garoon ee ugu khatarta badan caalamka. 8: Juancho E. YrausquinAirport (Holland) Wuxuu ku yaal jasiiradda Saba ee dalka Holland, waana mid ka mid ah garoomada diyaaradaha ee ugu baaxadda yar caalamka, ballaciisu waa 396 oo mitir, wuxuuna qiyaastii le’egyahay afar garoon oo kuwa kubadda cagta ah. Maadaana bilowga dhabbaha ay diyaaraduhu ku ordaan ay hareeraha ka xigaan dhagxaan waaweyn, way dhib badan tahay in diyaaraduhu ay si sahlan ugu dagaan. Waxaa intaas dheer in tiirada garoonku uu dhimayo xawaaraha diyaaradda, gaar ahaan marka ay dagayso. 7: Wellington Airport (New Zeeland) Dalka New Zealand waa mid ka mid ah dalalka ugu buuraha badan caalamka, waxaana gebi ahaantiisba ku xeeran bad iyo buuro. Garoonka diyaaraha ee Wellington wuxuu leeyahay hal dhabbo oo diyaaraduhu ku ordaan wuxuuna leeyahay jog dhan 2,500 m wuxuuna ka bilowdaa badda wuxuu sidoo kale ku dhammaadaa isla badda. Meesha uu ka bilowdo waa bad halka uu ku dhammaadana waa bad kale. Garoonka waxaa loogu magac daray ”wind” dabaysha xoogga badan ee halkaas ka dhacaysa awgeed. 6. The Princesa Juliana Airport (Holland) Garoonkaan wuxu ku yaal jasiiradda San Martín, oo u dhow xeebaha Maho, ee dalka Holland. Marka ay diyaaraddu caga-dhiganayso iyo marka ay duulayso, waxaa dul maraya diyaarado ku duulaya jog hoose, oo aad ugu dhow madaxa qofka taagan. Waa garoon diyaaradeed oo sannad kasta ay ka safraan rakaab kor u dhaafaya 1.8 oo qof, waxaana halkaa ka hawgala ugu 170 diyaaradood maalin kasta. 5: ParoAirport (Bhutan) 17 duuliye oo kaliya ayaa loo oggol yahay in ay garoonka ku soo dagaan. Si kasta oo aad khibrad u leedahay ma sahlana in aad diyaarad ka soo dajisid garoonkaankaan. Duuliyeyaashaan waxaa la siiyey oggolaansho gaar ah sababtuna waa xaaladda garoonka oo qallafsan awgeed. Maalintii oo kaliya ayaa diyaaradaha loo oggolayahay in ay garoonkaas ku dagaan ayadoo maliba aad looga taxaddarayo. Dhulka oo wada buuro ah awgiisna daruuraha ayaa si weyn u saameeya duuliyeyaasha marka diyaaraddu ay caga dhiganayso. Waxaa garoonkaas markii hore dhisay oo uu saldhig u ahaa ciidamada Hindiya oo u adeegsan jiray in diyaaradaha qummaatiga u kaca ay ku dagaan ayagoo oggolaansho ka haysta boqortooyada Bhutan. 4. Courchevel Airport (Fransiiska) Garoonkaan wuxuu ku yaal buur dheer dusheed oo 518 oo mitir dhulka ka sarraysa. Ma jiraan cid hagta diyaaradaha, cimilada meesha oo aad u adag awgeed. Duuliyeyaal khibrad leh oo kaliya ayaa diyaaraha halkaas ka dajiya. 3: Cristiano Ronaldo (Madeira) Airport – Santa Cruz (Portugal) Madeira waa halka uu ku dhashay ciyaaryahanka Manchester United Christiano Ronaldo, waxaana lagu sharfay wiilkooda da’da yar, kabtanka qaranka iyo xiddigii hore ee Portugal, garoonka ayaa hadda loo yaqaan Christiano Ronaldo International Airport. Garoonka waxaa ku hareeraysan buuro dhaadheer, kuwaas oo keena isbeddel cimilo oo joogto ah. Marka laga soo tago dhabbaha ay diyaaraduhu ku ordaan, garoonkaasi waa meelaha ugu daran caalamka ee dabaylaha xooggani ay ka dhacaan. 2. ToncontinAirport (Honduras) Gegida caalamiga ah ee Toncontin ee Tegucigalpa, waxay tan iyo 1934-kii uu qaabili jirtay in ka badan 800,000 oo rakaab ah sannadkii. Garoonkan ayaa waxa uu ku yaalaa agagaarka meel buuro ah waxa uuna leeyahay wado cidhiidhi ah ama wado ay isticmaalaan diyaaraduhu marka ay soo dagayaan iyo marka ay ka duulayaan. Cimilada deegaankan waxaa weheliya dhaxan iyo sidoo kale ceeryaamo culus, xaaladdan awgeed, joogitaanka buuraha iyo dhabbaha ay diyaaraduhu ku ordaan ee cidhiidhiga ah ayaa keena dayac-mushtar diyaaradeed gaar ahaan marka ay soo degayaan. Duuliyaha waa inuu si degdeg ah u duulo buuraha, haddii kale way sahlan tahay inuu ku dhufto buuraha ama guryaha dadka oo ay ku yaalaan meelo badan oo bini’aadam ah oo ku dhow garoonka diyaaradaha. 1: Tenzin-Hillary Airport (Nepal) Gegida dayuuradaha ee Tenzin-Hillary waxa ku hareeraysan tiirooyin dhaadheer iyo buuro badan. Waddada duulimaadkeedu waa 526 mitir oo dhererkeedu yahay 526 mitir oo bilawga waxaa ku yaal gidaar, dhamaadka dariiqa waxaa ku yaal jeex weyn. Sida laga soo xigtay shabakada Forbes sanadka 2019 garoonka waxaa loo arkaa inuu yahay kan ugu khatarta badan adduunka. Khatarta garoonkan, waa jidka oo gaaban, waadi iyo buuro ku xeeran. Haddii duuliyuhu khalad yar sameeyo ma jirto si uu uga badbaado cawaaqibka ka dhalan kara. Cimilada buuraha Himalaya ee u dhow gegida diyaaradaha ayaan la saadaalin karin, waxaana si lama filaan ah laga yaabaa in ceeryaamo, roob ama baraf yimaado oo soo degista diyaaradaha ka dhigaysan mid khatar ah. Aad ayey ugu badan tahay garoonkan in duulimaadyada dib loo dhigo. Shilalka ugu xusuusta badan waxaa ka mid ah 2008-dii markii diyaarad Yeti (Flight 103) ay ku burburtay buuraha ayna ku dhinteen dhammaan 16-kii rakaabka ahaa ee diyaaradda saarnaa. Waxaa ka badbaaday duuliyihii oo kaliya. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites