Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka Ethiopia oo natiijo lama filaan ah ay ka muuqato

Recommended Posts

Deeq A.   

Mekele (Caasimada Online) – Militariga Ethiopia ayaa duqeymo xooggan ka fuliyey magaalada caasimadda u ah gobolka Tigray ee Mekele, taasi oo sarkaal ka tirsan isbitaal uu sheegay in lagu dilay 10 qof.

Dowladda waxay sheegtay in weerarka, oo ahaa kii ugu dambeeyey olole duqeymo ah oo ku socda Mekele, lagu beegsaday warshad ay adeegsadaan kooxda TPLF.

“Duqeynta waxay burburisay qeybta labaad ee warshadda injineeriyadda ee Mesfin. Goobtan waxay argagixisada TPLF u adeegsadaan inay ku dayactiraan qalabkooda,” waxaa sidaas tiri afhayeenka dowladda Selamawit Kassa.

Hase yeeshee, Dr Hayelom Kebede oo ah cilmi-baare ka tirsan Isbitaalka Ayder Referral Hospital ee Mekele ayaa sheegay in duqeymaha ay ku dhaceen goobo dadweyne, ayna sababeen khasaarooyin xooggan. 

“Dhimashada waxay gaareysaa 10, dhaawucna waa 21,” ayuu yiri Dr Hayelom Kebede. 

Xafiiska isgaarsiinta ee TPLF ayaa sheegay in duqeynta lala beegsaday goobo ay degan yihiin rayid. 

Goor sii horreysay afhayeenka TPLF Getachew Reda ayaa xaqiijiyey duqeynta, isaga oo intaas ku daray in habkooda difaaca uu ku howlan yahay iska difaacidda diyaradaha cadowga.

Gobolka Tigray ayaa waxaa toddobaadyadii tegay ku socday duqeymo xooggan ayada oo ciidamada dowladda ay sare u qaadeen weerarka ka dhanka ah TPLF.

Maamulka hawada iyo duqeymaha ayaa ah mid ka mid ah meelaha faro ku tiriska ee ciidamada dowladda ay kaga awood sarreeyaan xooggaga TPLF.

Hase yeeshee dagaalka cusub oo dhowr toddobaad kahor ay dib u billaabeen militariga dowladda iyo maleeshiyada Amxaarada kadib guul-darrooyin ku dhacay bishii June, ayaan laga gaarin ujeedkii laga lahaa ee ahaa in TPLF laga xoreeyo dhulka ay qabsatay. 

Taa beddelkeed waxay kusii siqeen goobo cusub ayagoo qarka u saaran inay qabsadaan magaalada Dessie oo 400km waqooyi ka xigta caasimadda Ethiopia ee Addis Ababa.

The post Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka Ethiopia oo natiijo lama filaan ah ay ka muuqato appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this